Jowhar (Caasimada Online)-Hogaamiye Kooxeed hore Muuse Suudi Yalxow ayaa ku guuleystay Kursiga Aqalka Sare ee Maamulka Hirshabelle.
Guusha Muuse Suudi, ayaa timid kadib markii uu ka adkaaday Musharaxii uu la tartamaayay kaasi oo dhibco aad u farabadan looga hormaray.
Muuse Suudi Yalxow ayaa helay codad gaaraya 91 cod, halka sidoo kale Xasan Cali Caadle oo la tartamayay uu helay 4 cod.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, ayaa ku dhawaaqay in Muuse Suudi uu helay 91 cod, waxa uuna ku dhawaaqay inuu ku guuleystay kursiga.
Guddoomiyaha waxa uu sheegay in Muuse Suudi uu yahay Musharaxa kaliya ee helay codka ugu badan helay.
Dhinaca kale, Muuse Suudi waxa uu hadda ka midyahay Xubnaha Hirshabelle u matali doona Aqalka Sare.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

