INDIA: Soomaali xabsiga ku dhex geeriyooday.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo dalka India ayaa sheegaya in xabsi ku yaalla dalkaasi uu ku geeriyooday Muwaadin Soomaali ah oo la sheegay inuu kamid ahaa Burcad badeeda Soomaalida ah ee dalkaasi ku xirnaa.

Muwaadinkaani ku dhex geeriyooday Xabsiga ayaa waxa uu kamid ahaa 120 Burcad-baddeed Somali ah oo muddo afar sanno ku xirnaa dalka India.

Muwaadinkaani ayaa la sheegayaa in Xabsigaasi uu ku geeriyooday maalmihii la soo dhaafay.

Geerida muwaadinkaani ayaa timid kadib markii uu ku dhacay cuddurka Qaaxada, waxaana magaciisa lagu sheegay Abdi Jaamac.

Marxuumkaani lagu magacaabo Abdi Jaamac ayaa ahaa 28-jir waxa uuna mudooyinkii danbe ahaa mid ku dhex xanuunsanaa Xabsiga.

Sidoo kale, Marxuum Abdi Jaamac ayaa degaan ahaan ka soo jeeday magaalladda Muqdisho, waxaana magaca hooyadii lagu soo koobay Bargi.

Dhinaca kale, Ciiddanka Badda ee India ayaa horey u sheegay inay Marxuumkaas iyo dhallinyarro kale oo Somali ah ka soo qabteen Xeebaha Somalia bishii March 16-keeda ee sannadkii 2011-kii, wuxuuna afartii sanno ee la soo dhaafay ku xirnaa Xabsiga Taloha ee magaalladda Mumbai.

xafiiska Muqdisho
caasimada Online
caasimada@live.com