Guuleed oo wada qorshe dhiig ku daadan karo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Gulleed ayaa lagu soo waramayaa inuu wado qorsho uu maamulo ugu dhisaayo deegaano ay hadda gacanta ku hayaan maamulka Ahlusuna.
Qorshaha C/kariin Xuseen ayaa ah in maamul isaga ka amarqaata uu u magacaabo Degmada Dhuusamareeb iyo Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Deegaanada uu doonaayo inuu u dhiso maamul ayaa waxaa iminka gacanta ku haya Maamulka Ahlusuna ee Gobolada Dhexe, waxaana adag sidii maamulka Galmudug ay halkaasi u magacaabayso ay ugu shaqeyn lahaayeen deeganada loo magacaabay.

Ahlusunna ayaa dhowr jeer ku celcelisay in deegaanada ay ka arimiyaan uusan soo booqan Karin xubin ka tirsan Maamulka Galmudug, taasi oo micnaheedu tahay in Galmudug aysan damci Karin inay cagta dhigto deegaanada Ahlusunna.

Jaamac Xasan Salaad oo ah wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Galmudug, ayaa sheegay in ay degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ay qorsheynayaan sidii ay maamul ugu sameyn lahaayeen.

Wasiirka ma uusan muujin in dhibaato ka qabsan karto dhismaha maamuladaasi, balse waxa uu muujiyay inay u sahlan tahay maamulka in deegaanadaasi ay ka hirgaliyaan Maamulada.

Ma cadda sida ay u dhaqan galin doonaan Maamulada, waxaana suuragal ah in waji cusub ay kala kulmaan Ahlusunna.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com