Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa kulamo ka wada magaaladaas oo caasimad u ah maamulka Galmudug.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehliyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa wada guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada heer Federaal iyo kuwa dowlad-goboleed oo looga hadlay arrimo xasaasi ah.
Inta uu socday shirkan ayaa waxaa looga hadlay xaaladaha amniga iyo qorshaha waqtiga dhow ee xoreeynta deegaannada weli ku jira gacanta kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa lagu soo qaaday dardar galinta abaabulka hadda ka socda Galmudug, kaas oo ay dadka deegaanku kaga qayb qaadanayaan halganka dib u xoreynta dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa dul istaagay marxaladihii uu soo maray dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, isaga oo sheegay in dowladdu ay dajisay siyaasad cad oo lagula diriraayo Al-Shabaab taas oo leh saddex dhinac oo ku wajahan dhaqaalaha, fikirka iyo furimaha dagaalka.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaaban doonaan dhammeystirka wajiga koowaad ee ladagaallanka kooxda Al-Shabaab
Dhanka kale madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay qorshaha bixitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya iyo la wareegidda ciidamada Qaranka ee mas’uuliyadda amniga dalka ayaa tilmaamay in dowladdu ay ka shaqeyneyso tayeynta iyo tababarka ciidadamada xoogga dalka oo guulo muuqda laga soo hooyay.
Arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan dalka ay ka socdaan abaabullo xoogan oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo uu madaxweynuhu tegay magaalada Dhuusamareeb
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-