Muxuu Axmed Madoobe ka yiri xaalada dhabta ah ee Qalbi Dhagax?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo, ayaa ka hadlay Xaalada guud ee Sarkaalka ONLF Cabdi Kariin Qalbi Dhagax.

Madoobe ayaa sheegay in dowlada Ethiopia ay kawada hadleen arrinta Qalbi Dhagax, isla markaana ay jiraan rajooyin muujinaaya in xal ay u noqon doonto Qalbi Dhagax.

Madoobe waxa uu sheegay in codsigiisa uu hordhigay Ethiopia uu kamid ahaa inay u ogolaato in uu la kulmo Qalbi Dhagax, isla markaana ay ka aqbashay sidaasna uu Xabsiga ugu booqday.

Waxa uu Hoggaamiye Madoobe cadeeyay in Xaalada Qalbi Dhagax ay xiligaani tahay mid wanaagsan, isla markaana uu aad ugu rajo weyn yahay in laga gudbo gabi ahaan kiiskiisa oo lasoo afmeero, sida uu hadalka u dhigay.

Xaalada Qalbi Dhagax ee Xabsiga ayuu sheegay iney tahay mid aan wax dhib ah heysan, Madaxda ugu sareysa ee dalka Itoobiya ayuu sheegay inuu kala soo hadlay sidii loo sii deyn lahaa Sarkaalkan.

Wuxuu ku nuux-nuuxsaday inay jiraan waxyaabo gaara oo ay kawada hadleen Qalbi Dhagax, hase ahaatee ay soo ifbixi doonaan goordhow natiijada kasoo bixi doonta wadahadalkooda.

Sidoo kale, waxa uu Axmed Madoobe sheegay in Jubbaland ay kawarqabi doonto xalada Qalbi Dhagax, wallow ay gacanta ku heyso dowlad aad uga warqabta xaladiisa.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa u muuqda mid isbedel weyn ku imaaday mowqifka Qalbi Dhagax, waxaana jira warar hoose oo sheegaya inuu soo dabcay Qalbi Dhagax.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com