Wadooyinka Qudus oo lagu xardhay boorarka safaarada Mareykanka + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Mareykanka ayaa si rasmi ah u bilowday in dhammaan waddooyinka Qudus ay ku surto Calaamadaha muujinaaya halka ay ku taallo dhismaha Safaaradooda Qudus.

Inta badan waddooyinka magaalada Quddus ee dhulka Reer Falastiin oo ay maamusho Israel ayaa waxaa ka muuqanaaya calaamadaha waxaana howshaasi si wada jira u wada ciidamo ka tirsan Israel iyo Mareykanka.

Shaqaalaha dhejinayay Caalamadaha ama boorarka yaryar ee tilmaamaya halka ay safaaradda ku taal ayaa la arkayay iyaga oo boorarka suraya Koofurta Magaalada Quddus gaar ahaan halka ay hadda ku taallo Safaarada  Mareykanka.

Gaadiidka waaweyn ee qaada boorarka ayaa lagu arkayaa magaalada kuwaa oo qaarna waddooyinka suraaya boorarka Safaarad,halka qaarna ay yihiin kuwo cabiraaya waddooyinka iyo goobaha la suraayo boorarka.

Mareykanka oo dhismo weyn ka sameystay Koofurta Magaalada Quddus, ayaa sheegay in todobaadka soo socda ay howlgalinayaan Qunsuliyada oo laga wareejinaayo caasimadda Israel.

Sidoo kale, boorarka la suray Waddooyinka Quddus ayaa lagu qoray Afafka Carabiga,Ingiriiska iyo Hebrew oo ay ku hadasho Israel.

Dhinaca kale, Mareykanku waxa uu sheegay in 14ka Bishan uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump tagi doono Magaalada Quddus si uu halkaas uga furo Safaaradda iyada oo ay dood badan ka taagan tahay arrintaas.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com