Sawirro: Dowladda oo soo bandhigtay ciidamo gaar ah oo sugaya amniga Xamar

Muqdisho (Caasimadda Online)– Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo bandhigay ciidamo gaar ah oo loogu talagalay inay qeyb ka noqdaan xasilinta amaanka caasimada Muqdisho.

Ciidamadaan oo isku dhaf ah ayaa waxaa soo bandhigooda ka qeybgalay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, wasiir kuxigeenka amniga, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, taliyeyaasha ciidamada Nabadsugida iyo Asluubta.

Ra”iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo la hadlay ciidamada loo diyaariyay amniga Muqdisho ayaa dardaaran dheer faray, isagoo ka codsaday inay mas’uuliyad iska saaraan amaanka dalka, gaar ahaan caasimada.

Xukuumada Federalka ayaa qorsheeneysa in ciidamada iminka loo diyaariyay xasilinta amaanka caasimada ay dardargalinayaan howlooda la xiriira amni soo celinta, saraakiisha ayaana ku rajaweyn in ciidamadana ay ku guuleystaan howshaas loo igmaday.