Muxuu caalamku ka yiri guushii taariikhiga aheyd ee Soomaaliya ay gaartay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo  markii shalay hey’adda lacagta adduunka ee IMF iyo bangiga adduunka ay ku dhawaaqeen in Soomaaliya laga cafiyay deyn dhan 4.5 bilyan oo dollar, waxaa isa soo taraya boogaadinta saaxiibada caalamka ay u dirayaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Kristalina Georgieva oo ah madaxa IMF ayaa Soomaaliya ugu hambalyeeysay guushaan waxay tilmaamatay in IMF ay sii wadeyso xoojinta wada shaqeynta iyo xiriirka ay Soomaaliya la leedahay.

Xoghayaha guud ee IGAD Workneh Gebeyehu ayaa amaanay dadaalka taariikhiga ah ee dowlada Soomaaliya ay ku bixineyso dib u habeynta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Workneh Gebeyehu ayaa sidoo kale madaxda Soomaaliya ku bogaadiyay doorka hoggaamineed ee gaarka ah ee horseeday isbadalo muhiim ah.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale soo saaray qoraal uu ku sheegay in ay ka go’antahay taageeridda Soomaaliya guushaan weyn kadib, iyaga oo sare u qaadaya isbadalka dhaqaalaha.

Safaarada Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa iyaduna sheegtay in horumarada Soomaaliya ee dhanka dowladnada, dhisida heyadaha iyo horumarka dhaqaalaha ay yihiin kuwo bogaadin mudan.

Soomaaliya ayaa xalay gaartay guul taariikhi ah, kadib imtixaan adag oo ay ku soo jirtay 10-kii sano ee lasoo dhaafay, dunida ayaa xaqiijisay in dalkaan uu ku tallaabsaday hufnaan maaliyadeed oo rasmi ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo soo bilaabay barnaamijka deyn cafinta ayaa hadda ku guuleystay in uu soo gabagabeeyo, waxaana Soomaaliya hadda ku hartay lix boqol oo milyan oo aan laga cafi karin, laakiin loo ogolaaday inay muddo dheer iska yar-yareyso.