Muxuu Cabdullaahi Goodax Barre ka yiri farriinta Mareykanka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka hore ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo farriimaha ka imaanaya dowladda Mareykanka.

Goodax Barre ayaa si weyn u dhaliilay qaabka ay haatan wax ku socdaan, gaar ahaan sida ay maamul goboleedyada u wajahayaan doorashada ee ah inay marba shaaciyaan kuraas cayiman oo ka mida xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

“Adduunka doorasho sideedaba waxaa loo yaqaanaa wixii waqti cayiman leh waxaan laba qof ayaa lasoo saaraa saddex qof ayaa lasoo saaraa intaa la waxeynaa waxaas doorasho lama yiraahdo waa wax kale ee magac kale haloo raadiyo,” ayuu yiri wasiir hore Goodax.

Sidoo kale wuxuu weerar afka ah ku qaaday madaxda dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, isaga oo ku eedeeyey in aysan laheyn wadaniyad, kana fakireynin dalka.

“Dad wada qowleysato ah oo wadaniyad aan laheyn ayaa horta mustaqbalkeena gacanta u galay inaad saas u ogaataan waa lagama maarmaan,” ayuu markale yiri Goodax Barre.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday farriimaha hanjabaadda ah ee Mareykanka, isla-markaana la xiriira in la dadajiyo doorashada, si aysan markale dib ugu dhicin.

“Hadda niman Ameerikaan la yiraahdo ayaa isku xil-saaray in Ummadda Soomaaliyeed qolooyinkan laga bad-baadiyo iyagaa taba taagan oo danta Soomaaliyeed ilaalinaayo sida ay u  muuqata ka ilaalinaayo kuwa sheegtay in ay mas’uul yihiin,” ayuu sii raaciyey.

Waxa kale oo uu wasiirkii hore ee waxbarashada yiri “Warkaas aan sheegaayo inuu sax yahay iyo inuu khalad yahay waxaa lagu kala ogaan doonaa labada maalin ee soo socota inta ka horreysoi 15-ka la yiri doorashaaa bilaabaneyso wixi dhaca ayaa ku ogaaneysaan,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, isla-markaana lasoo gabagabeeyey shirkii Golaha Wadatashiga oo lagu go’aamiyey in doorashada lagu dhammeystiro muddo 40 cisho ah, taas oo ka bilaabaneyso 15-ka bishaan illaa iyo 25-ka Febraayo ee isla sanadkan 2022.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii