Wararkii ugu dambeeyey safarka Muuse Biixi ee Mareykanka

Hargeysa  (Caasimada Online) – Dhawaan sida uu ka hor sheegay baarlamaanka Somaliland Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, waxaa la filayaa in uu safar ku tago dalka Maraykanka Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu ku tago dalka Maraykanka.

Muddooyinkii u danbeeyey waxaa laga arkayey warbaahinta iyo qaar ka mid ah maxdaxda falanqeeya siyaasadda Maraykanka, baaqyo isasoo tarayey uu ku aaddanaa samaynta xiriir cusub oo dhex mara Somaliland iyo Maraykanka.

Halkee se wax ka soo bilaabmeen?

Somaliland iyo Maraykanka ma aha markii u horreysay ee la isku xidhiidhiyo ama si uun uu usoo baxo warka sheegayaa in xidhiidh gaar ahi dhex marayo. Mana aha markii u horreysay ee ay kulmi doonaan madax ka kala socoto labada dhinac.

Horraantii sannadkii 2008 bishii Janurary, Madaxweynihii hore ee Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, oo uu weheliyo Wasiirkiisii Arrimaha Dibedda, Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo xubno badan oo ka tirsan golahiisa wasiirada, ayaa lagu martiqaaday Washington booqasho ay si rasmi ah u qiratay xilligaas Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanku.

Kaaliyihii Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka u qaabilsanaa Afrika, Jendayi Frazer, ayaa xilligaas kulan la qaadatay Madaxweynaha Somaliland, Daahir Riyaale Kaahin, kulankaasi oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, sida ay warbaahintu tebisay waagaas.Laba toddobaad uun ka dib, bishii February, waxa caasimadda Somaliland ee Hargeysa soo gaadhay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsanayd Afrika Jendayi Frazer, iyada iyo Ambassador John M. Yates oo ah dublamaasi ruug-caddaa ah oo fadhigiisu ahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ahaana ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsanaa Soomaaliya

Dr. Frazer, waxay waagaas sidaa ku noqotay sarkaalkii ugu darajada sarreeyay ee Maraykana ee yimaadda Somaliland tan iyo markii Hargeysi ay sheegtay in ay Muqdisho kala soo noqotay dawladnimadeedii ayna yihiin jamhuuriyad goonni isu taagtay. Xilligas waxaa wadahadallo rasmi ah ay la yeelatay madaxda ugu sarraysa xukuumadda, sidoo kale waxa ay si gaar ah ula kulantay wakiillo ka socday saddexdii xisbi siyaasadeed ee Somaliland ka diwaangashanaa xilligaas -Udub, Kulmiye iyo Ucid.

Maxaa imika soo cusboonaaday?

Marka laga tago Safarka Madaxweyne Biixi ee qorshaysan, dhanka kale waxaa dhawaan gaadhay magaalada Hargeysa shaqaale ka tirsan Koongareeska Maraykanka oo kulamo la qaatay madaxda Somaliland.

Dhammaadkii sannadkan waxa lagu baahiyey warbaahinta Newsweek qoraal la sheegay in uu qoray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaana qoraalkaas uu ku dooday in Somaliland iyo Maraykanku ay xilligan isu baahan yihiin

“Mabda’a muhiimka ah ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Madaxweyne Joe Biden ee ah iskaashi lala yeesho asxaabta dimuqraadiga ah ee isku fikirka ah ee ay yoolalka wadaagaan Ma jirin baahi ka weyn oo maanta loo qabo istaraatiijiyadan cusub, maadaama khilaafyadu ku sii baahayaan adduunka oo dhan” ayuu qoraalku ku sheegay Muuse Biixi Cabdi.

Waxaana uu sii xoojiyey in xilligan uu Maraykanku geeska uga baahan yahay saaxiib la isku hallayn karo, isaga oo sheegay in Somaliland u qalanto maadaama ay ‘isku afkaar yihiin, hadday tahay dhinayada dimuqraaddiyadda iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha’ sida uu qabo Madaxweyne Muuse Biixi.

Si kastaba, Somaliland muddooyinkii u danbeeyey waxaa muuqatay in ay xidhiidho cusub la yeelanayso dalal badan iyada oo madaxdeeda wasaaraddda arrimaha dibaddu ay safarro kala duwan ku kala tageen, waddamo ka mid ah Afrika, Bariga dhexe, Yurub iyo Ameerikaba. Kuwaas oo isbeddel hor leh u ahaa qaabkii ay Somaliland u waajhi jirtey waayaheeda ‘ictiraaf raadinta.

BBC