Wasiirkii hore ee A/Dibedda oo shaaciyey arrin yaab leh oo ay ku kacday DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arirmaha dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa shaaca ka qaaday in madaxda sare ee dowlada federaalka ay diideen mucaawino ay ku deeqday Jaamacada Carabta, si loo raali-geliyo dowladda Itoobiya.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa sheegay in mucaawinada oo aheyd Daawo lagu soo daabuli rabay diyaarad milateri oo ay leedahay Masar, gebi ahaanba la diiday, maadama ay xiisad siyaasadeed xiligaas ka dhaxeysa dowladda Itoobiya, oo ay saaxiib dhow yihiin madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

“Qof Soomaali ah caqligiisa ma geli kartaa in la yiraahdo Masar la hadal oo diyaarada Cargo Milateriga ee C-130 ma rabno ee diyaarado kale hanagula soo daabulo mucaawinada daawada,” ayuu yiri.

“Maxaa keenay illaa heerkaas in la diido, marka su’aasha weydiiyay ayaa si hoose laygu sheegay Itoobiyaanka ma rabaan oo ayaga ayaa diiday. Daawo ay bixisay jaamacada Carabta oo Masar-na ay diyaarad soo saartay maxaa ka galay Itoobiya?.”

Waxa uu intaas kusii daray in la yaab ku noqotay in Itoobiya ay fara-galin intaas le’eg ku leedahay arrimaha Soomaaliya, ayna danaheeda siyaasadeed u adeegsato, maadama ay xiligaas Masar si weyn isku hayeen.

Wasiirkii hore ee arirmaha dibedda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dowlada federaalka ay is hortaagtay in Masar ay ciidamo u tababarto dalkeena iyo inay door muhiim ah ka ciyaarto soo kabashada Soomaaliya.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si dhow saaxiib ula ah Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, wuxuuna dhowr jeer isku dayay in uu cadowsado dalalka ay xiisada siyaasadeed kala dhaxeyso Abiy Ahmed, oo ay ugu horeyso dowladda Masar.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii