Xilliga ay dhaceyso doorashada shir-guddoonka guddiga doorashada heer federaal oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga loo doortay qaban-qaabada doorashada shir-guddoonka Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa maanta shaaciyay in maalinta Sabtida ee ku taariikheysan 15/01/2022 ay qabsoomi doonto doorashada shir-guddoonka guddiga.

Sidoo kale waxay soo saareen habraacyada ku saabsan doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka guddiga, waxaana waajib ah in uu yahay xubin kamid ah guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal.

Guddiga ayaa sheegay in musharaxa u tartamaya jagada guddoomiyaha looga baahan yahay in uu shubo 3-kun oo dollar, halka musharax u tartamaya ku-xigeenka uu shubayo 2-kun oo dollar.

“Haddii ay tartamaan saddex musharax iyo ka badan, waxaa wareega koowaad lagu kala guuleysanayaa 50+1 ee tirada guud ee guddiga oo ah 25 xubnood, waana nidaamka qorshe hawleedka guddiga doorashada ay ku hogaaminayaan doorashada golaha shacabka, tusaale musharaxa hela 13 cod iyo ka badan ayaa ku guuleysanaya tartanka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Codbixinta lagu dooranayo shir-guddoonka guddiga waa qarsoodi oo waxaa lagu codeynayaa sanduuqa codbixinta, sida ku xusan habraaca uu soo saaray guddiga loo doortay qaban-qaabada doorasada shir-guddoonka.

“Waxaa doorashadan lagu casuumayaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wsiirka arrimaha gudaha. shir-guddoonka guddiga xalinta khilaafaadka doorashada, shir guddoonka guddiyada SEIT-ka, UNSOM, UNDP Somalia, Safaaradaha beesha caalamka, goobjoogayaasha ururada bulshada rayidka, wakiilada wararka ee SONNA iyo bahda warbaahinta,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii