Muxuu Cumar Filish ka yiri xiisadda ka taagan Kaaraan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa si adag uga hadlay isku dhacyada u dhexeeya ciidamada dowladda & iska hor imaadyadii u dambeeyey ee gudaha degmada Kaaraan.

Ugu horreyn guddoomiyaha oo ka hadlayey kulan lagu qabtay degmada Kaaraan ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in ciidamo ka wada-tirsan dowladda ay ku dhex dagaalamaan caasimada, isagoo u tacsiyeeyey ehelladii dadkii ku dhintay dagaaladaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay leedahay awood ay uga hortagto iska hor imaadyadaasi, balse wuxuu ugu baaqay waxgaradka Muqdisho, gaar ahaan shacabka Kaaraan inay u istaagaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinkaasi, si looga baaqsado dagaal kale oo ka dhaca gudaha degmadaasi.

“Dowladdu awood ayay leedahay balse  diyaar uma ahan intay idinka idin jiirto inay u tagto wiilashiinna dambiga sameynaya nooga hormara oo la hadla wiilashiinana celiya si looga baaqsado dhibaato dalka ka dhacda,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in xilligan aysan Soomaaliya u baahneyn dagaal iyo in fowdo la geliyo dalka oo haatan ka soo kabanayo burburkii horey u gaaray.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo muddooyinkii la soo dhaafay ay sii badanayeen isku dhacyada ciidamada dowladda, iyada oo weli ay xiisad ka taagan tahay Kaaraan.