Weerar kale oo Muqdisho ka dhacay iyo askar lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan illaa saddex qof ayaa maanta lagu dilay gudaha degmada Waabari ee gobolka Banaadir, kadib markii ay rasaas xoogan ku fureen kooxo ku hubeysnaa bistoolado oo weerar gaadma ah ku qaaday dadkaasi.

Toogashada ayaa goor dhow ka dhacday agagaarka buundooyinka, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in saddexda qof ee la dilay ahaayeen askar ka tirsanaa ciidanka nabad sugida, gaar ahaan kuwa dhar-cadda ee loo yaqaano ilaalada shacabka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inay baxsadeen raggii ka dambeeyey falkaasi, waxaana goor dambe goobta tegay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Muddooyinkii la soio dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegatay Al-Shabaab.