Muxuu Erdogan ugu sheegay Farmaajo taleefonkii uu u diray?

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee taleefon kula hadlay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay lagu doortay magaalada Muqdisho.

Erdogan ayaa ugu horreyn ugu hambalyeeyey Farmaajo guusha uu gaaray, oo uu ku qeexay guul usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

“Turkiga waxaa meel weyn kaga yaal muhiimadda xasiloonida iyo baraaraha Soomaaliya” ayuu Erdogan ku yiri taleefonkii uu shalay u diray madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan madaxtooyada Turkiga, oo la hadlay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Wada-hadalka labada madaxweyne ayaa koobnaa, hase yeeshee waxaa la filayaa inay wada-hadal dheer yeeshaan kadib marka madaxweyne Farmaajo la caleemo saara, oo uu saldhigto Villa Somalia.

Turkiga oo inta badan kasoo horjeeda faro-gelinta ay dalalka deriska ah ku hayaan Soomaaliya, ayaa la rumeysan yahay in guusha Farmaajo u arkaan guul shacabku ay gaareen iyo jab soo gaaray cadowga Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com