Kenya oo saraakiil u dirtay derbiga laga dhisaayo xadka Kenya iyo Somalia

Nairobi (Caasimada Online) – Saraakiil ka socta Dowlada Kenya ayaa booqday dhismaha darbiga Kenya ay ka wado xadka u dhaxeeya dalalka Somaliya Iyo Kenya.

Saraakiishaani oo ka socday Wasaarada Gaashaandhiga dalkaasi ayaa indha indheeyay dhammaan tiirarka derbigaasi iyo sida uu u socdo dhismaha derbiga.

Saraakiisha ayaa Injineerada gacanta ku heysa dhismaha derbiga su’aalo ka weydiiyay qaabka uu dhismaha u socdo iyo mudada kooban oo ay kusoo gabagabeyn doonaan dhismaha derbiga.

Injineerada ayaa Saraakiisha ku wargalisay in dhismaha derbiga intiisa badan lasoo gabagabeeyay, balse inta harsan ay kusoo afmeeri doonaan gudaha bishaani aan ku jirno si loo hubiyo dhameystirkiisa.

Taliyaha Booliska Kenya Joseph Boinnet, ayaa sheegay in aysan jirin wax qalad ah oo ka dhexjira Kenya iyo Somalia dhismaha darbigana ay keentay un amni darrada ka jirta xadka.

Dowlada Kenya ayaa u diyaar garoobeysa Doorasho heer Madaxweyne ah, waxa uuna dhismaha derbiga qeyb ka yahay feejignaanta amniga.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com