Shaacin: Xaqiiqda dareenka Gaas ee guushii madaxweyne Farmaajo

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland C/weli Cali Gaas ayaa ujeedadii ugu weyneyd ee uu u yimid Muqdisho ay aheyd inuu guulaysto Cumar C/rashiid isagoo ka cararaya haddi uu waayo in uu ku qabsan karo doorashooyinka soo wajahan ee Puntland sida uu isagaba horay u sameeyay.
Xubno lagu kalsoon yahay oo ka mid ahaa wafdiga C/weli Gaas ayaa Caasimada Online u sheegay inuu aad uga xumaday habeen hore in Farmaaajo soo baxo, waxaase uu C/weli Gaas hilmaamay in Farmaajo uu ahaa qofka soo geliyay siyaasadda iyadoo xitaa aysan aqoon u laheyn dadka reer Puntland.
Waxaan horay u shaacinay in C/weli Gaas uu 4 milyan Dollar ku wareejiyay Cumar C/rashiid si uu ugu adeegsado ololahiisa doorashada iyo dadaaladii uu la sameeyay ee uu isugu keenay Sheekh Shariif iyo Cumar C/rashiid.
Shacabka reer Puntland ayaa aad uga xumaday in lacag intaas la eg uu Gaas u soo qaado Muqdisho isagoo ay dadkiisa la liitan abaaro gobolada ka jira, Sicir barar iyo amni daro ka jirta magalooyinka Puntland.
Sababta C/raxmaan Faroole ka hadal siiyay ee uu ku eedeeyay Gaas ayaa iyaduna xusid mudan inay arrintaan la xiriirto gaar ahaan taageerada uu siiyay Cumar C/rashiid iyo inuu la kala saftay murashaxiintaa Majeerteen, sababta Faroole ka hadal siisayna aysan aheyn wax yar oo xitaa xildhibaanadii taageersanaa Faroole oo gaarayay ilaa Lix mudane uu lacag ugu leexsaday, taasoo abuuri karta cadaawad cusub oo reer Garoowe u qaadaan Gaas.
Isku soo duub, qoraalkii hambalyeynta Gaas uu soo saaray ee soo dhoweynta madaxweynaha cusub ayaa aheyd mid boor isku qaris ah, mar haddii uu siyaasadii uu rabay iyo hamigiisa waxaa qasab ku noqotay inuusan muujin xumaantii uu ka qaaday guushii uu kusoo baxay Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com