Olalaha magacaabista R/W oo billowday iyo siyaasaddda oo dhinac kale u weecan rabta

Madaxweynaha cusub ee Dalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo wuxuu maanta heystaa taageerada ugu badan shacabka Soomaaliyeed waana fursad weyn oo soo martay inta noloshiisa ah waxaana laga war sugayaa halka uu dhigo mustaqbalka Soomaaliya.

Tallaabada Ugu horeyso ee laga sugayo Farmaajo waa Magacaabista Ra’isulwasaare xaqiijin Kara waxqabadka badan ee laga sugayo Madaxwenaha ku yimid codka dhallinyarada dhiigga cusub.

Waxaa jiro olole ballaaran oo loogu jiro sidii Siyaasiyiin Badan ay u heli lahaayeen Xilka Ra’isul wasaaranimo waxaa kamid ah dadka sida weyn uga dhex muuqdo liiskaan: Dr Cabdinaasir Cabdulle Maxamed, Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Inkastoo Siyaasadda ay marba dhinac isku badali karto haddana wararka Xanta  ku saleysan ee kasoo baxay shaqsiga ugu dhaw inuu noqdo Ra’isul wasaaraha uu Farmaajo soo dooran doono waa kuwa aad isugu dhaw.

Ninka ilaa iyo hadda hoggaanka u hayo tartanka loogu jiro xilka Ra’isul wasaaranimo waa Dr. Cabdinaasir  Abdulle Mohamed oo ah nin heysto dhalashada Dalka USA sidoo kalana ah nin ay aad isugu dhaw yihiin Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Cabdinaasir wuxuu garab weyn ka helayaa odayaal badan oo gaarayo ilaa 48 Oday oo ka socdo Beelaha Sacad iyo Majeerteen oo uu hormuud u yahay Xasan Abshir Faarax kuwaas oo dhammaantood Doonayaan in Ra’isulwasaaraha laga dhigo Isaga.

Ninka kusoo xigo ee tartanka kula jiro Dr. Cabdinaasir Waa Axmed Macalin Fiqi inkastoo uusan taageero badan ka heysan beesha Sacad’ waxaana taageerada ugu badan beesha heysto Dr. Cabdinaasir oo lagu sheegay inuu yahay nin u bisil  isbadal cusub iyo daacadnimo.

Warar xan ah oo aan 100% la hubin ayaa sheegayo in Odayaal ka socdo Beesha Sacad ay Farmaajo u sheegeen inaysan damaanad ka aheyn Fiqi isla markaasna aysan hadhaw dacwadii ka timaado  qaadi doonin waxayna kula dardaarmeen oo ay ka codsadeen inuu u magacaabo Dr. Cabdinaasir.

Shaqsiga seddexaad waa Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo aan cago fiican ku taagneyn maadaama ay hareysay  murankii Badda sidaasna uusan Farmaajo ugu dhiiran Karin inuu Ra’isuwlasaare ka dhigo.

Su’aasha adag oo la is waydiinayo ayaa ah haddii Beesha Sacad la siiyo xilka Ra’isulwasaare sidee macquul ku noqon kartaa inay haddana madaxweyne kasii ahaadaan Maamul Goboleedka  Galmudug oo uu madaxweyne ka yahay Cabdikariin Xuseen Guuleed Maadaama hab qeybsiga Soomaaliya ay ku saleysan tahay Nidaamka 4.5.

Dadka siyaasadda falanqeeyo iyo meelaha Hoteelada ah ee lagu jeex jeexo siyaasadda Soomaaliya waxaa kaaga soo baxayo in Beesha sacad ay weyn doonto xilka Galmudug maadaama Cabdikariin uusan  heysan  aqlabiyadda Baarlamaanka oo dhawaan ku dhawaaqay inay xilka ka qaadeen, sidoo kalana uu meesha ka baxay madaxweynihii uu taageerada ka helayey.

Sidaas darteed siyaasadda ayaa kuu sheegeyso in Beesha Saleebaan laga dhigi doono  Madaxweynaha cusub ee Galmudug  Halka Beesha Ceyr lagu qancin doono in caasimadda rasmiga ah laga dhigo Dhuusamareeb isla markaasna ay dowladda ku shaqeyso.

Haddii Beesha Habargidir laga dhigo Ra’isulwasaare waxay ka dhigan tahay in wado cusub loo furay siyaasadda Soomaaliya taasoo sideedii sano ee ugu dambeysay ku wareegsaneysay Laba Beel waxaana Wadadaas Furay Baarlamaanka Soomaaliya waxaana la  filayaa in labada Beel ee Siyaasadda ka hiilisay si wanaagsan ugu qanci doonaan natiijadaas si loo tijaabiyo Beelaha kale ee Soomaaliyeed.

Haddaba waxa la sugo waa go’aanka kama dambeysta ah ee uu qaadan doono Maxamed Cabdulaahi Farmaajo balse midda iska cad waa inay markaan Ra’isulwasaare noqon doonto Beesha Habargidir waxayna sheekada sida qoraxda camal usoo bixi doontaa marka uu si rasmi ah ula wareego kursiga madaxweynimo.

Waxaa Qoray: Cabaas Cali Xasan (Xaliye) oo ah falanqeeye siyaasadeed

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com