Xog-warran: Qorshihii ra’iisul wasaare ee lagu dejiyey kulankii beesha Habar-Gidir

Muqdisho (Caasimada Online) – Kullan albaabada u xeran oo xalay ay ku yeesheen xildhibaanada, siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Habar Gidir ayaa looga hadlay sidii ay mowqif mideysan ugu qaadan lahaayeen ciddii ay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ula hortegi lahaayeen qofkii loogu magacaabi lahaa ra’iisul wasaare, maadaama beesha Daarood ay markaan xilka madaxweyne heleen.

Qorshahaan ayaa qeyb ka ah olole ay siyaasiyiin ku jira baarlamaanka iyo xubno kale oo kasoo jeeda beesha Habar Gidir iyo Murasade ay ugu ololeynayeen mudooyinkaan danbe, uguna magac dareen “No More Abgaal=Abgaal Danbe Maya”, kaasoo ah inaan mas’uul beeshaasi kasoo jeeda uusan qaban xilalka sare ee Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.

Shirka oo ahaa mid ballaaran ayaa xubnihii ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka cusub horayna usoo noqday Agaasimihii hay’adda sirdoonka iyo nabadsugida qaranka, wuxuuna ka mid ahaa xubnihii soo jeediyay tallooyin dhowr ah.

Axmed Macallin Fiqi ayaa muujiyay in xilka ra’iisul wasaarenimo uu mudan yahay in loo magacaabo, wuxuuna kulanka uu ka sheegay inuu isagu yahay ra’iisul wasaaraha rasmiga ah ee madaxweyne Farmaajo magacaabayo, maadaama buu yiri aan ka mid ahaa xildhibaanadii bilaabay halganka isbadalka oo uu ugu yeeray “No More Abgaal= Abgaal Danbe Maya”  oo ah hal ku dhig xildhibaano Habar Gidir iyo Murasade u dhashay ay ugu ololeynayeen inaan la dooran madaxweyne iyo ra’iisul wasaare Abgaal ah.

Odayaal kale oo beesha H/Gidir ayaa iyagana soo jeediyay in shaqsiga lala hortegayo Farmaajo ee mudan xilkaan inuu yahay C/raxmaan C/shakuur oo ka mid ahaa murashaxiintii guuldareystay, hase ahaatee waxaa dhinac ka ordayay odayaal kasoo jeeda beesha Sacad iyo kuwo kale beesha Ceyr ah oo iibinayay C/raxmaan C/shakuur iyo C/naasir Macallin oo isna murashaxiinta isbadal doonka ka mid ahaa.

Haddii ay noqoto in beesha Habar Gidir isku raacdo Axmed Macallin Fiqi waxay dhaawacaysaa midnimada beesha H/Gidir maadaama C/kariin Guuleed uu ku fadhiyo kursiga madaxweynenimo ee Galmudug, mana ahan Fiqi siyaasi u diyaarsan xilka ra’iisul wasaarenimo, laguna soo tijaabiyay hay’addii uu taliyaha kasoo noqday ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka oo uu ku fashilmay ilaa markii danbe xilka laga qaaday.

Docda kale marka laga eego, xisbiga Daljir ee horay ugu fallaagoobay kooxda Aala Sheekh ee ku guuleystay kursiga guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ee Abshir Bukhaari, ayaa iyagana dadaal dhanac walba ugu jira sidii ay u heli lahaayeen xilka ra’iisul wasaarenimo, waxaana habeenkii doorashada xubno ka tirsan oo baarlamaanka ugu jira ay usoo jeediyeen Sheekh Shariif inuu iscasilo, cododkoodiina ay u hoobiyeen madaxweyne Farmaajo.

Beesha Abgaal maamul goboleedyada dalka ka dhisan sida Hirshabeelle oo ay u tanaasuleen Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, iyo Galmudug oo aysan wax xil muuqda ah ku laheyn marka laga reebo hal wasiir warfaafin, waxaa laga sugayaa madaxweyne Farmaajo inuu dhamaan arrimahaasi il gaar ah ku eego.

Madaxweyne Farmaajo waxaa horyaal caqabado badan oo u baahan inuu saxo awood qeybsiga, iyadoo uu tixraacayo habraaca nidaamka awood qeybsiga Soomaalida wax ku qeybsato, waxaana lagu ogaan doonaa guushiisa iyo guuldaradiisa, waana caqabad hortaagan oo u baahan inuu si xirfadeysan ugu gudbo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com