Muxuu Farmaajo maanta kala hadli doonaa waxgaradka Gaalkacyo (Warbixin)

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo weli ku guda jira booqashooyinkiisa, ayaa maanta lagu wadaa in dadka ku nool magaalada Gaalkacyo uu la qaato kulamo kala duwan.

Madaxweynaha ayaa dadka reer Gaalkacyo kala hadlaaya arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin Nabada iyo wada noolanshiyaha labada dhinac.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo heshiisiin ah u furaaya maamulada iyo Odayaasha labada dhinac, waxa uuna xooga saari doonaa sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ka taagan Mudug.

Farmaajo ayaa sheegay mudada uu joogo magaalada Gaalkacyo in uu dardar gelin doono dadaallada dib u heshiisiinta iyo nabadeynta magaalada.

Sidoo kale, waxa uu kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiinta heer Gobol iyo mid degmo, oo ay wehlin doonaan Siyaasiyiinta kuwooda laf-dhabarka u ah nabada.

Waxa ay ka dhici doonaan kulamadaasi qeybta Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo ee Galmudug, waxaana saaka aad loo sii adkeeyay amniga magaalada.

Si kastaba ha ahaatee, Farmaajo ayaa saacadihii ugu danbeeyay ee shalay waxaa u bilowday Safarka uu ku tagaayo degaanada Galmudug.

Caasimada Online

Xafiiska Gaalkacyo

Caasimada@live.com