Somaliland oo shaacisay qorshaheeda ku aadan ka guurista Furaha Somalia

Hargeysa (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa sheegay in dhawaan ay ka guuri doonaan furaha Teleefoonada oo ay la wadaagan Somalia inteeda kale.

Maamulka ayaa sheegay in heer gabogabo uu maraayo qorshaha looga guuraayo furaha ay la isticmaalan Somalia, waxa ayna tilmaantay inay buuxinayaan shuruudaha la doonaayo.

Wasiirka wasaarada isgaarsiinta iyo technology-yada maamulka Somaliland C/weli Sheekh, ayaa sheegay in Wasaaradiisa ay ka dhabeyneyso sameysiga furo cusub.

Wasiir C/weli Sheekh ayaa yiri ‘’waxaan wadnaa qorshihii Somaliland loogu sameyn lahaa furo gaara oo ka madaxbanaan kan ay isticmaasho Somalia inteeda kale’’

‘’Qorshaha aan hadda wadno waa inaan Somalia uga guurnaa furaha 252, maadaama aanu waxba la wadaagin Somalia waxan garanay inaan helno furo gaar noo ah’’

Wasiirka maamulka ugu magacaaban Isgaarsiinta waxa uu intaa raaciyay in howsha hortaal ay ku fulin doonaan muddo kooban, inkastoo uu muujiyay inay jiri karaan culeysyo dhowr ah.

Haddalka Wasiirka ayaa imaanaya xili maamulkii hore ee Somaliland uu horay u sheegay inay ka guuri doonaan furaha Somalia, waxaana xiga raja muujinta maamulka cusub ee uu Hogaaminaayo Muuse Biixi.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Caasimada@live.com