Ciidamo ajaaniib ah oo la wareegayo amniga magaalada Dhuusamareeb & Diyaarad la filaayo inay…

Cadaado (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan AMISOM la geynaayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Ciidamadan dheeraadka ah ayaa kaabi doona ciidamo kale oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, waxaana lasoo sheegayaa in saacadaha fooda nagu soo haya ay gaarayaan magaalada.

Ciidamadan ayaa magaalada kala degi doona Hubkooda, waxa ayna si rasmi ah ula wareegi doonaan amniga iyo gacan ku heynta goobaha muhiimka ah.

Ciidamadan ayaa ka qeybqaadan doona xaqiijinta amniga magaalada Dhuusamareeb, oo uu ku wajahan yahay Madaxweynaha Qaranka Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Wafdigiisa.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa hadda ku sugan wafdi isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano oo hordhac u ah Madaxweynaha Somalia iyo madaxda maamulka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb galaaya kulan lagu dhameystiraayo Heshiiskii maamulka Galmudug iyo Ahlusunna oo lagu dhameyn doono magaalada Dhuusamareeb.

Geesta kale, waxaa amniga magaalada Dhuusamareeb iminka gacanta ku haya Ciidamo ka socda dowladda Jabuuti , kuwaasoo la sheegay in ay wax ka xaqiijinayaan Ammaanka Magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com