Faahfaahin ku saabsan Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka laga Helayo hanta dheer ee Degmada deyniile ayaa sheegaya in gaari ay Saarnayaeen ciidamo ka tirsan Militiriga Dowlada Soomaaliya Qarax miino lala beegsaday.

Qaraxa Miinada ayaa Waxaa la sheegay in la dhigay Wadada dhinaceeda,islamarkaana uu haleelay gaariga Cabdi Bile oo  ay saarnaayen askarta ka tirsan militiriga Dowlada Soomaaliya.

Inta la Xaqiijiyay Sedex Askari ayaa ku dhaawacantay Qarax miino,inkastoo aan la ogeyn Tirada rasmiga ah  ee ku geeryootay qaraxaasi.

Goobjoogayaal ku sugan Haanta Dheer oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegaya in ay maqleen jug culus,islamarkaana ay arkeen Qiiq iyo uuro ka baxaysa goobta,halkaasina uu yaalay gaari ciidan.

Maamulka Degmada Deyniile iyo Saraakiisha laamaha Amaanka ayaan weli faahfaahin ka bixinin Qaraxa Miino ee lala beegsaday Askarta ka tirsan Militiriga Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa inta badan Waxaa ka dhaca Qaraxyo miino oo lala eegta ciidamada ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com