25.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Muxuu Farmaajo u sababeeyay Magacaabidiisa Ra’isul wasaaraha cusub?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa goordhow ka hadlay magacaabista Rai’sul wasaaraha cusub ee xukuumada FS Xasan Cali Kheyre.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu ka dhabeynaayo ballanqaadkii uu sameeyay, waxa uuna farta ku goday in Ra’isul wasaaraha uu magacaabay uu yahay mid mudan shaqada loo dhiibay.

Farmaajo waxa uu tilmaamay in Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre uu kusoo xushay dhammaan shuruudihii looga baahnaa Ra’isul wasaare waxa uuna ku baaqay in Shacabka Soomaaliyeed ay ka faa’iideystaan fursadaha ay heystaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Xassan Kheyre uu yahay shaqsi u qalma xilkaas una soo xushay in uu yahay shaqsi ay wada shaqeyn karaan, marka la eego marxalada uu ku jiro dalka.

Farmaajo waxa uu Golaha Baarlamaanka Federaalka ka dalbaday in ay meel mariyaan Raisul wasaare Kheyre si uu usoo dhiso Xukuumada.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa Ra’isul Wasaaraha cusub ujeediyay in 15 cisho gudahood uu kusoo dhiso xukuumadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News