Sawirro: Sidee madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyay Riyadh?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa goordhow gaaray magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.

Madaxweyanha ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay Madax dhowr ah oo xilal kala duwan ka haya Dowlada Sacuudiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa Wafdigiisa kamid ahaa Wsaiirka Arrimaha Dibedda C/salaam Hadliye iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Somalia.

Madaxweynaha Somalia ayaa Saacadaha nagu soo aadan kulan khaas ah la qaadan doona Boqor Salmaan Bin C/casiis iyo Madax kale, ka hor inta uusan soo gudanin Waajibaadka Cimradda.

Qodobada ay labada Mas’uul kawada hadli doonaan ayaa waxaa kamid ah xoojinta xiriirka soo jireenka ah, Iskaashiga Gobalka ee la-dagaalanka Xuutiyiinta, Abaaraha Somalia, Dhismaha Saldhiga militeriga Imaaraadka ee Berbera iyo Taageeradda Sacuudiga ee Dowladda Federalka.

Intaa kadib waxa ay isla eegi doonaan dhinacyadda Siyaasadda Gobalka, Dhaqaalaha iyo Ammaanka, walow Muuqaal Sir ah oo dhawaan lasoo bandhigay uu muujinaayo in Sacuudiga uu halis ku yahay jiritaanka Somalia.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay oo uu uga baxo Somalia tan iyo markii loo dhaariyay xilka.