Muxuu Feysal Cali Waraabe ka yiri wiil uu dhalay oo lagu dilay Syria?

Hargeysa (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Ucid ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in wiil uu isaga dhalay lagu dilay Dalka Syria isaga oo ka mid ahaa Ururka Daacish.

Xuseen Faysal ayuu sheegay in uu ku dhintay duqeyn ka dhacday goob isaga iyo koox ka tirsan Daacish ay ku wada sugnaayeen,halkaas oo Diyaaradaha Syria ay ku duqeeyeen.

Faysal waxaa uu sheegay in Wiilkiisa uu ka baxay Dalka Finland halkaas oo uu ku dhashay,waxaana uu xusay in dowladda Finland ku wargeliyay warka soo gaaray isaga.

Hooyada dhashay wiilkan ayuu sheegay in ay ku noolyihiin Dalka Finland,waxaana Faysal uu sheegay in uusan ogeyn waxa ay ku suganyihiin Xaaska iyo Carruurta kale ee Faysal u jooga Finland.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Hooyada u dhashay wiilkan uu u sheegay in aan dib loogu cusbooneysiin Baasaboorka Finland,maaddaama ay suuragal tahay in uu dhibaato ka geysto gudaha dalkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com