Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo shaaciyey sababta uu u tegay Magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mida xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee sida wey uga soo horjeeda hoggaanka dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyey sababta uu u tegay magaalada Dhuusamareeb.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xildhibaano labada aqal ah, wasiiru dawladaha wasaaradda arrimaha gudaha, saraakiil sare oo ciidamada ah, taliyaha AMISOM ee qeybta 4aad iyo hogaamiyaal ka mid ah ururada Haweenka ay maanta gaareen magaalada Dhuusmareeb ee caasimadda Galmudug.

“Ujeedada wafdiga ayaa ahayd inay qeyb ka noqdaan ka qeybgalka munaasabadda dhacaysa 16-ka Janaayo ee lagu dhaqan gelinayo heshiiskii midnimada GALMUDUG & maamulka ASWJ..” ayuu yiri xildhibaan Fiqi oo farriin soo dhigay baraha bulshada.

Xildhibaan Fiqi, Sentor Abshir Bukhaari iyo xubno kale oo ka tirsan mucaaradka ugu waaweyn dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa ku qasbanaaday inay tagaan Galmudug, qeybna ka noqdaan soo dhoweynta madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo fariintan aanu ku soo hadalqaadin.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com