Muxuu Goodax Barre ka yiri dagaalka gobolka Banaadir iyo wasaarada waxbarashada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaarada waxbarashada xukuumada Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaalka siyaasadeed uu dhexeeya wasaaradda madaxda waxbarashada dowladda federaalka ah iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir.

Goodax Barre oo wareysi siiyey Shabelle TV ayaa marka horre shaaciye inuu jiro heshiis waxbarasho oo ay kala saxiixdeen labada dhinac, xilligii uu joogay wasaaradda, loona baahan yahay in la dhaqan-geliyo, si meesha looga saaro khilaafaadka xoogan ee jira.

Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskaas uu dhigayo in waxbarashada & iskuullada magaalada Muqdisho, si toos ah looga wareejiyey gobolka Banaadir, isla-markaana uu wasaaradda ka mamnuucayo inay sameyso fara-gelin dambe.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray wasaaradda laga doonayo oo kaliya in ay la shaqeyso, sidoo kalena ay taakuleyso maamulka gobolka Banaadir, sida uu hadalka u dhigay.

“Arrinta heshiiskan wuxuu ka mamnuucaayey wasaaradda waxbarashada inay fara-gelin dambe ay sameyso ee balse fara-gelintu ay noqoto mid lagu taakuleynaayo oo lagu garab galaayo oo looga shaqeysiinaayo oo wax loogu qabanaayo,” ayuu yiri Goodax Barre.

Waxa kale oo uu soo hadal qaaday go’aanka ka soo baxay wasaaradda ee ah in ay bixin doonto warqadaha bedalashada ardayga ka baxaya iskuul ee gelaya mid kale, wuxuuna ka soo horjeestay tallaabadaasi, isaga oo tilmaamay in aan loo baahneyn in wasaaraddu ay gacanta la gasho arrimahaasi, maadaama uu jiro system guud oo horey loo diyaariyey, kaas oo dhex-maraya wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

“Nidaamka aad hadda ka dhawaajisay ee iskuullada la kala bedalanaayo, maba loo baahneyn wasaaraddu inay howshaas gacanta lag gasho,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo ay sii xoogeysatay xiisada u dhexeysa wasaaradda waxbarashada iyo gobolka Banaadir, waxaana labada dhinac ay soo saareen go’aanno xasaasi ah oo midba midka kale ku weerarayo, balse waxaa haatan billowday daadaallo lagu dhammeynayo xiisaddaasi.