Muxuu yahay hadalka uu shaaciyey guddoomiyaha guurtida ee buuqa dhaliyey?

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, Suleymaan Maxamuud Aadan oo maanta guddoomiyey kalfadhiga 76-aad ee golahaas ayaa soo hadal-qaaday doorashadii golaha wakiilada ee dhowaan ka dhacday deegaanada maamulkaasi.

Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday, xilli uu ka hor hadlayey golaha in laga badiyey xisbiga talada haya ee kulmiye, isla-markaana guddoonka golaha wakiilada Somaliland ay la wareegeen xisbiyada mucaaradka ee kala ah Wadani iyo UCID, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in guusha mucaaradka ay ku timid, markii ay iskaashi sameeyeen labada xisbi, sidaasina ay ku heleen kuraasta ugu badan iyo shir guddoonka.

“War xukuumaddii intii aan kala maqneyn in lagala wareegay shir guddoonka guddoonka golaha wakiilada, kuraastii oo dhan waxaa wada qaatay mucaaradka,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland ayaa sidoo kale arrintan la yaab ku tilmaamay iyo wax aan ka dhicin aduunka intiisa kale.

“Adduunka dhaqankiisu sidaas ma aha, xisbul xaakimkii waxba ma helin ayuu hadalkiisa sii raaciyey guddoomiyuhu.

Intaas ka dib waxaa buuq sameeyey qaar ka mid ah xubnaha golaha oo si weyn uga soo horjeestay hadalka guddoomiyaha ee ka dhanka ah xisbiyada mucaaradka ee Somaliland, walow markii dambelagu guuleystay in la qaboojiyo xiisadda, kulankana uu sii socdo

Si kastaba doorashadii ka dhacday Somaliland ayaa waxaa guullo waa weyn ka soo hooyey xisbiyada Wadani iyo UCID, iyaga sidoo kale la wareegay guddoonka golaha wakiilada