Muxuu Sheekh Bashiir ka yiri dilka Ikraan Tahliil? (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha hey’adda culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax ayaa dowladda ugu baaqay in jawaab waafi ah oo dadku ay ku qancaan ay ka bixiso kiis gabadhaas oo hey’adda NISA ay xalay baahisay inay dileen Al-Shabaab, halka Al-Shabaab-na ay iska fogeeyeen dilka iyo afduubka gabadhaas.

Sheekh Bashiir ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in aysan ku tagri falin awoodeeda oo kiiska gabadhaan iyo kuwii horay u dhacay ay jawaab cad ka bixiso, shacabkana ka qanciso, halka shacabkana uu ugu baaqay in wax kasta ay dowladooda uga dambeeyaan.

Sidoo kale qabaa’il ayuu ugu baaqay in aysan is dhibaateyn oo qadarta ay ku qancaan, isagoo ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta kiiska Ikraan loo afduubto dad aan waxba galabsan oo heybtooda lagu beegsanayo.

“Dowladda waxaa laga rabaa in aysan awooda dadka ku dulmin oo si sax ah ay u isticmaasho, wixii dhacayna sida ay u dhaceen dowladda ayey u taallaa, dhibka dadka soo gaaray waa in dowladdu iska xilqaanto, ee dadku inay macluumaad raadiyaan sax maaha, kiis kasta oo dhaca waxay mas’uuliyadiisu fuuleysaa dowladda,” ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Sheekha ayaa dadka ehelka ah ee gabadhu ay ka maqan tahay ugu baaqay inay sharciga u maraan baadi goobka gabadhooda, si looga sal gaaro kiiska, iyadoo dhib kale aan la geysan.

“Qawaacidda Islaamka waxay noo sheegeysaa dowladdu inay masuul ka tahay dadka dhiigooda, ammaankooda iyo maalkooda, dowladdu dalka ayey ka waardiyeyneysaa in cadaw ku soo duulo, shacabka xitaa inay kala celiso ayaa laga rabaa dowladda,” ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kiis gabdheed uu culeyskiisa leeyahay, “Gabdhuhu diin ahaan iyo dhaqan ahaan xurmo gaar ah ayey leeyihiin, culeys gaar ah ayey leeyihiin, waa in daryeel iyo dadaal fiican laga geysto in kiiskaas xogtiisa dhabta ah laga gun gaaro, ama ugu yaraan dadkii ay gabadhu ka dhalatay laga qanciyo,” ayuu yiri.

Sheekh Bashiir oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Sax ma aha in la dilo ama la qafaasho qof aan geysan dembigaas, sida aan hadaba maqleyno, ficilkaas mid diini ah maaha, qof kale ayaan ka aar goosanayaa hadaa dhahdo dulmi waaye, diinteenu ma ogola, dulmina, dulmi loogama jawaabo, hadii cadaaladda la waayo, dad kale yaan la afduuban oo la dilin, dulmiga iyo dhibku waa sii badanayaa.”

Ugu dambeyntii Sheekh Bashiir ayaa dowladda ugu baaqay in arrintaan ay mas’uuliyad iska saarto si dhibku uusan u sii badan, halka guud ahaan dhinacyada ay khuseyso arrintaan uu kula taliyey in la isku dul qaato.

Hoos ka daawo