Muxuu ka dhashay dagaal siyaasadeedka ‘hantida guud’ ee Farmaajo iyo Rooble?

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka amar qaadanaya Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo ayaa shalay qarxiyey dagaal siyaasadeed nooc cusub ah oo lagu gelayo magaca ‘Soo celinta Hantida Guud’, kadib markii ay dalbadeen in lagu soo wareejiyo maamulka isbitaallada waaweyn ee Jazeera iyo Yardimeli ee magaalada Muqdisho.

Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa inay arrintan ka dambeysay kulan lagu kala tegay oo dhowaan dhex maray Madaxweynaha xilka ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah, kana dhacay Madaxtooyada Somaliya, waxaa madaxda ka qeyb galay ka mid ahaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Guddoomiyaha Baarlamaankii 10-aad Maxamed Mursal, waxaana Farmaajo uu ka dalbaday Rooble inuu dhiso Doorashada dadban, kuna taageero in mar kale dib loo doorto, laakiin waxaa arrintaas ka hor yimid Rooble oo si cad ugu sheegay inuu dhexdhexaad ka yahay Doorashada.

Xiriirka Farmaajo iyo Rooble oo halkii ugu xumaa gaaray, kadib socdaalkii Ra’iisal wasaaraha ku tegay dalka Kenya, ayaa mar kale xumaaday oo tegay heerkii ugu hooseeyay toddobaakan, waxaana arrintan ay keentay in kooxda Farmaajo ay weeraro qarsoon oo siyaasadeed ku beegsadaan Rooble iyo siyaasiyiinta saaxiibada la ah.

Weerarkii koowaad wuxuu ku dhacay gacan-yaraha iyo saxiibka ugu weyn Rooble oo ah wasiirkisa Waxbarashada Cabdullaahi Abuukar Carab, kaasoo ah xildhibaan ganacsade saami badan ku leh Isbitaallada Jazeera iyo Yardimeli ee Muqdisho, isagoo kusoo galay Hay’adii uu madaxda ka ahaa ee Manhal.

Labadan Isbitaal waxay ka siman yihiin in lagu dhisay dhul hanti Guud oo Qaran ah iyo inau dhismahooda koowaad lagu dhisay deeq umadda Soomaaliyeed loogu taloglay, laakiin waxaa ka faa’iideystay xubno uu ka mid yahay wasiirka Waxbarashada xilligan iyo Ganacsato oo maalgelin ku sameeyay, kadibna u bedelay Isbitaallo adeegyo badan bixiya oo ganacsi ah.

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Federaalka ayaa bishii Febraayo 2020 shaacisay in Isbitaalka ku shaqeeyo si sharci darro ah oo dano gaara, looga faa’iideysto, isla markaana ay hay’adda maamusha Isbitaalka Yardimeli si sharci darro ah uga faa’iideysato deeq Soomaalida loogu talogalay. (Halkan ka akhriso)

Khilaafka Wasaaradda iyo Maamulka Isbitaalka Yardimeli, wuxuu qaboobay markii uu dhex galay Ra’iisal wasaarihii hore ee Xasan Cali Kheyre, waxaana isbitaalka shirko ku ah saddex dhinac oo wasiir Carab ka mid yahay.

Isbitaalka Jazeera ayuu sidoo kale wasiirku dhinac ka yahay, waxaana xarunta laga dhisay oo ahayd Xaruntii Ubaxa kacaanka ee UKO, bixisay dowladii hore, iyadoo laga dhisay Isbitaal ay maalgelisay dowladda Baxreyn oo indhaha loogu talogalay, iyadoo la wareegay Wasiirka iyo ganacsato degaanka ah oo ku heyb ah Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Kheyre, iyadoo maalgelin weyn lagu sameeyay, loona bedelay isbitaal guud.

Dowladii Xasan Sheekh iyo Farmaajo waxba kama qaban sidii labadan isbitaal loo waafajin lahaa sharciga, looguna koontarooli ahaa qeybta hantida guud ah ee ku jirta iyo maalgelinta ganacsiga, marka laga reebo qoraalka Wasaaradda Caafimaadka oo ah hay’adda ay ahayd inay qeyb ka noqoto maamulka labadan Isbitaal oo mar kasta ay horjoogeen dano siyaasadeed.

Xilligan kala guurka ah ee Doorashada inay Isbitaalladan ka mid noqdaan dagaal siyaasadeed hoose oo u dhaxeeya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Maxamed Xuseen Rooble waxay kaliya dhalin doontaa weji cusub oo qalallaase ah iyo inaysan ujeedadu ahayn soo celin hanti guud.

Xigasho: Goobjooge.net