Muxuu ka dhigan yahay muddo korarsiga Qoor Qoor? – Shan qodob oo xasaasi ah

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Baarlamaanka Galmudug ayaa shalay beddalay muddo xileedka madaxda la doorto ee maamulka Galmudug. Muddo xileedka hoggaamiyaha maamulka iyo midka baarlamanka oo markii hore ahaa afar sano ayaa hadda laga dhigay shan sano.

Qoor Qoor muddo xileedkiisa wuxuu ku ekaa bisha February 2024, balse hadda waxa uu ka dhigtay inuu waqtigiisa dhammaan doono February 2025.

Tallaabada Galmudug ayaa kusoo aadeysa maalin kadib markii uu Muqdisho kusoo idlaaday shirka madaxda maamulada iyo madaxda federaalka, kaasoo madaxweyne Xasan Sheekh uu ka sheegay in go’aan guud laga gaari doono isbeddalka muddo xileedka labada heer ee dowladda.

Axmed Qoor Qoor wuxuu noqday qofkii labaad ee beddala muddo xileedkiisa inta uu jiray nidaamka cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa ka horreeyey Axmed Madoobe. Wuxuu kaloo noqday hoggaamiyihii afaraad ee badala muddo xileedkiisa kadib Laftagareen, Cali Guudlaawe iyo Axmed Madoobe.

Warbixintaan waxaan kusoo koobeynaa shan qodob oo laga akhrisan karo inuu ka dhigan yahay ama uu dhali doono muddo xileedka ay kordhisteen hoggaanka Galmudug.

1- In Dhammaan muddo xileedka maamulada noqday min 5 sano

Puntland waxay markii hore aheyd maamul goboleedka qura ee muddo xileedkiisu yahay 5 sano, laakiin, waqtigaan la joogo dhammaan shanta maamul goboleed ee dalka waa isku mid xagga tirsiga muddo xileedka iyadoo Koonfur Galbeed, HirShabelle, Jubbaland iyo Galmudug oo ugu dambeysay ay min shan sano ka dhigteen waqtiga xil-heynta hoggaamiyaasha maamulka iyo baarlamaanka.

2- Nn maamuladu aysan cabsi ka qabin dowladda dhexe

Muddo ka hor way adkeyd inay madaxda maamulada ka fakaraan muddo dheereysi iyo inay xafiiska iska sii joogaan, waxay badi ka baqi jireen in dowladda dhexe diidmo kala hor timaado, laakiin hadda waxaa muuqata in maamulada aysan wax cabsi ah ka qabin dowladda federaalka ah.

Waa astaan muujineysa inuu jilcay nidaamka dhexe ee dowladda Soomaaliya, waana arrin dharbaaxo culus ku ah nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh.

3- Villa Somalia oo aan ka hor imaan karin Qoor Qoor

Galmudug waxay aaday muddo kororsi, madaxweyne Xasan Sheekh iyo wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi labadaba waxay kasoo jeedaan Galmudug, balse kuma dhiiran karaan inay diidaan muddo kororsigan, sababtuna waa inay ku dhici waayeen inay ka hor yimaadaan markii Axmed Madoobe uu sameystay muddo kororsiga.

Sharci aan qaban Axmed Madoobe ma qaban karo Qoor Qoor, sidaas darteed dowladda federaalka ee Soomaaliya uma furna waxaan aheyn aamusnaan.

Maalintii uu halno ku darsaday hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe wuxuu sahan u noqday Laftagareen iyo Cali Guudlaawe oo cabsi ka qabay in la diido muddo kororsigii ay sameysteen, wuxuuna kaloo wadada u furay Axmed Qoor Qoor.

4- Filashada muddo kororsi heer federaal ah

Maadaama dhammaan maamuladii ku darsadeyn muddo xileedkooda oo aysan dowladda dhexena waxba ka dhihin, waxa hadda la filan karo waa in dowladda dhexe iyaduna kororsato oo la beddalo qodobka muddo xileedka madaxweynaha iyo midka baarlamanka.

Waxaa jira warar sheegaya in laga shaqeenayo in dhammaan muddo xileedka labada heer maamulba laga dhigo min shan sano. Sida ay wax ku socdaan madaxda labada heer waa isla ogol yihiin muddo korsiga.

5- Dastuur jabin lagu heshiiyey

In Dhowr qof ay danahooda u istaagaan oo isaga darsadaan mudada xil heyntooda waa arrin dhaawaceysa macnaha dowladnimada Soomaaliya iyo dastuurka qoran ee dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu marar badan ku celcelin jiray dastuurka hala dhowro, laakiin hadda wuxuu eeganayaa qodob kamid ah kuwii ugu muhiimsanaa dastuurka dalka oo la jabinayo.