Qodobada xasaasiga ah ee looga hadlay kulankii Ruto iyo Xasan Sheekh + Sawirro

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ayaa maanta wada-hadallo la yeeshay madaxweynaha cusub ee waddankaasi, William Ruto.

Ugu horreyn madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Mudane William Ruto munaasabadda caleemo-saarka iyo la wareegidda xilka, isagoo la wadaagay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay heshiis iyo iskaashi buuxa la yeelato dhammaan dalalka Gobolka.

Dhankiisa Madaxweyne William Ruto ayaa uga mahadceliyey Xasan Sheekh iyo guud ahaan wafdiga dowladda  Federaalka Soomaaliya ee ajiibay ka qeyb-galka munaasabadda caleemo-saarkiisa, waxa uuna adkeeyey xiriirka soo jireenka ah ka dhexeeya labada shacab iyo dowladeed ee dariska ah.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale kulankooda diiradda ku saaray arrimo dhowr ah, gaar ahaan iskaashiga labada dal iyo adkeynta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Kenya oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyey in hoggaamiyeyaasha labada dal ay kulankooda ku soo qaadeen hirgelinta heshiiska is-dhaafsiga qaadka iyo kaluunka, kaas oo ay horey u wada saxiixeen labada dal.

Sidoo kale waxaa waxa ay ka wada-hadleen labada dhinac fududeynta isku socodka iyo ammaanka Soomaaliya, maadaama ay Kenya qayb ka tahay howlgalka Midowga Afrika.

Arrimaha kale ee kulanka Xasan Sheekh iyo William Ruto looga hadlay waxaa ka mid ah xaaladda gobolka Geeska Afrika oo ay iska xog wareysteen labada madaxweyne oo ku guuleystay doorashadooyinkii iyo isbeddaladii dhowaan ka dhacay Muqdisho iyo Nairobi.

Kulankaan wuxuu ku soo aadaya, ayada oo uu horey madaxweynaha cusub ee dalka Kenya u ballan-qaadan inuu wada shaqeyn wanaasan la yeelan doono dowladda federaalka ah , si sare loogu qaado iskaashiga labada waddan oo daris ah, isla-markaana wadaaga xad dheer.

Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mid ahaa hoggaamiyaashii ka qayb-galay caleema saarka Ruto oo shalay lagu qabtay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.