28.9 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Muxuu Kheyre ka yiri suura galnimada isku tashiga dowlada iyo shacabka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa ka hadlay ahmiyada ay leedahay in Somalia ay noqoto dal isku tashta.

Kheyre waxa uu sheegay inay muhiim tahya in Somalia ay la soo baxdo talaabo ay ku muujineyso isku tashi, waxa uuna cadeeyay in caalamka uusan waxba ku faleynin dad aan is rabin.

Waxa uu KHeyre sheegay in shacabka Soomaaliyeed laga doonaayo inay la imaadan kalsooni iyo midnimo, waxa uuna ku baaqay in DFS ay qaadi doonto talaabo lagu garabsiinaayo shacabka.

Waxa uu sheegay in Xukuumadda ay ku shaqeyn doonto rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, si looga dhabeeyo halbeega xukuumadda ee ah karti iyo hufnaan.

Waxa uu sheegay Ra’isul wasaaraha in Dowladda ay isku deydo in ay isku tashato, isaga oo sheegay in shacabka Soomaaliyeed laga aruuriyay lacag badan, si wax loogu qabto dadka Abaaraha ay saameeyeen.

Kheyre ayaa sidoo kale dhalinyarada ugu baaqay in ay u gurmadaan walaalahooda dhibaateysan, si ay u helaan gar gaar buuxa oo dhameystiran.

Dhinaca kale, Kheyre ayaa ballanqaaday inay ka shaqeyn doonaan si waliba oo horumar lagu gaarsiin karo Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News