Xasan oo soo saaray farriin culus oo ku socota Jabuuti

Muqdisho (Caasimada Oline) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo war kasoo saaray maalintada xorriyadda ee dalka Jabuuti ayaa dhambaal hambalyo ah u diray shacabka dalkaas iyo dhiggiisa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Xasan ayaa si qoto dheer uga hadlay sanad-guurada 45-aad ee xornimada dalka Jabuuti oo ku beegan maanta oo ah 27-ka June ee sanadka 2022-ka.

“Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti munaasabaddan taariikhiga ah oo ka mid ah dhaxalka ay wadaagaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, kana tarjumaysa halgankii mideysnaa ee dadka Soomaaliyeed ay isaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Qoraalka kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Jabuuti ay hiil walaal u tahay Soomaaliya, isla-markaana ay ka qayb qaadatay dowlad dhiska Soomaaliya.

“Walaalaha Jabuuti, dowlad iyo shacabba, waxa ay maanta noo yihiin hiil aan ku tashanno. Waxaan idinla qeybsanaynaa munaasabaddan taariikhiga ah, anaga oo abaal idiin kaga hayna doorka walaalnimo ee aad ka qaadateen dib u dhiska dowladnimoda Soomaaliya.”

Ugu dambeyn madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa nabad waarta iyo horumar joogto ah u rajeeyay shacabka reer Jabuuti iyo dowladdooda.

Dadka Soomaaliyeed ayaa ku jira todobaadka xorriyada oo si weyn loogu dabaal-dago sanad kasta, waxaana innagu soo food-leh kowda Luulyo oo haatan loo diyaar garoobayo.