Muxuu madaxweyne Xasan kala hadlay dhiggiisa Jabuuti? + Sawirro

Jabuuto (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa dalkaasi Ismaaciil Cumar Gelle oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah.

Labada madaxweyne ayaa iska xog waraystay xaaladda guud ee gobolka, xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti iyo iskaashiga arrimaha saameynta ku leh labada shacab oo ay ugu horreyaan arimaha amniga iyo nabadda gobolka.

Sidoo kale waxa ay isla soo hadal qaadeen arrimo ku aadan dagaalka lagula jiro Shabaab, kaas oo ay qay-qayb ka tahay dowladda Jabuuti oo ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya..

Madxweyne Xasan Sheekh Maamuud ayaa Jabuuti u tegay ka qayb-galka  kulanka 41-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur goboleedka IGAD ee ka furmaya waddankaasi.

Shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda guud ee gobolka, ayada oo la filayo in madaxweynuhu uu khudbad xasaasi ah ka jeediyo shirweynaha Jabuuti.

Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa diiradda ku saari doono arrimo ay ka mid yihiin dagaalka Al-Shabaab iyo xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira dalka.

Jabuuti oo xiriir wanaagsan iyo walaaltinimo ay kala dhexeyso Soomaaliya ayaa waxaa marar badan booqashooyin ku tegay madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadallo la soo yeeshay dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle.

Si kastaba, madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa maalmo kahor kasoo laabtay safar uu ku tegay dalka Imaaraadka Carabta oo uu uga soo qayb-galay shirka COP28 oo looga hadlayay isbeddalka cimilada adduunka.