Maxkamadda ciidamada oo la horgeeyay mas’uul loo haysto Shabaabnimo + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa maanta la horgeeyay mas’uul hore oo loo haysto inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab, isla markaana uu Muqdisho uga fuliyay howlo ay u dirsatay kooxda.

Ninkan oo lagu magacaabo Abuukar Saalax Maxamuud (Afrax) ayaa horay guddoomiye ku xigeen uga soo noqday degmooyinka Hodan iyo Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Afrax ayaa waxaa xeer ilaalinta ay kusoo eedeysay inuu la shaqeynayay kooxda Al-Shabaab, uuna shirqoolo uga fuliyay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Waxaa kale oo lagu soo eedeeyay inuu Muqdisho ka dhoofin jiray, kana soo dajin jiray xubnaha kooxda Alshabaab, isagoo isticmaalaya shaatiga dowladda.

Xeer Ilaalinta Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in ninkan uu aaminsanaa fikirka Shabaabnimada isagoo xil ka haya dowladda, iyaga oo beeniyay in lagu qasbay wareysi uu horay u bixiyay oo uu ku sheegay inuu ka baxay dowladda, iskuna dhiibay Al-Shabaab.

Codkaas oo loogu baahiyay baraha bulshada ayaa waxaa mar dambe beeniyay isla Abuukar oo sheegay in la afduubtay, kadibna si qasab ah looga duubay, sida uu hadalka u dhigay.

Qareenada difaacaya eedeysanahan ayaa dhankooda sheegay in uusan Abuukar ahayn Shabaab, balse codka laga duubay uu ku badbaadsanayay nafsadiisa, iyaga oo intaasi ku daray inay beegsi ku hayeen ganacsi uu ku lahaa gudaha magaalada Muqdisho.

Gabagabadii waxaa fadhiga Maxkamadda soo xiray guddoomiye Xasan Cali Nuur (Shuute_ oo shaaciyay in go’aanka xukunka ay dib ka shaacin doono Maxkamadda Ciidamada.

Si kastaba, ma’aha mas’uulkii ugu horreeyay ee kasoo muuqday Maxkamad, isaga oo loo haysto Al-Shabaabnimo, waxaana jiray kuwa isaga ka horreeyay oo la Maxkamadeeyay.