Muxuu madaxweyne Xasan ku doortay labadan degmo?

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Degmooyinka Aadan Yabaal iyo Moqokori ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Safarka Madaxweynaha ayaa looga gol lahaa sidii uu u xoojin lahaa Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira kooxaha argagixisada, kuwaas oo toddobaadyadii lasoo dhaafay dib u qabsaday deegaanno istiraatiiji ah oo hore looga saaray.

Booqashadan waa tii saddexaad ee uu ku tago Aadan Yabaal iyo Moqokori tan iyo markii ay horaantii 2023 gacanta dowladda soo gashay, lagana saaray maleeshiyaadka argagixisada. Socdaalkan wuxuu ka duwan yahay booqashooyinkiisii hore ee furimaha dagaalka. Haddaba, maxaa ku duugan socdaalka Madaxweynaha, muxuuse kaga duwan yahay safaradiisii hore?

Ahmiyadda Aadan Yabaal iyo Moqokori

Madaxweynaha ayaa booqday labadan degmo min saddex jeer intii u dhaxaysay Nofeembar 2022 iyo Maarso 2025. Degmooyinkan waxay muhiim u yihiin dagaalka, marka la eego abaabulka, isku xirka deegaamada, iyo doorkooda istiraatiijiga ah.

Si gaar ah, Aadan Yabaal iyo Moqokori waxay yihiin deegaannada ugu muhiimsan ee Al-Shabaab mar walba isku dayaan inay dib u qabsadaan si ay u fidiyaan awooddooda bariga gobollada Hiiraan, Galgaduud, iyo Shabeellaha Dhexe.

Degmada Maxaas waxay ahayd halkii ugu horreysay ee Madaxweynuhu kaga dhawaaqay dagaalka sifaynta Al-Shabaab bishii Nofeembar 2022, markaas oo uu xilka hayay lix bilood oo kaliya. Sidaas darteed, ku noqnoqoshada Madaxweynaha ee deegaannadan waxay xoojinaysaa niyadda iyo awoodda ciidanka.

Booqasho uusan isagu dooran

Safarka Madaxweynaha wuxuu yimid kaddib cadaadis ka yimid kooxda argagixisada oo dib u qabsatay deegaanno horay looga saaray sanadkii 2023. Al-Shabaab ayaa sidoo kale weerarro ka fuliyay degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo masaafo yar u jira Caasimadda Muqdisho.

Si loo xakameeyo xaaladda, waxaa furimaha dagaalka loo daabushay dhammaan noocyada kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka. Xitaa waxaa loo diray Ciidanka Asluubta oo aan si gaar ah loogu carbin dagaal.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Hirshabelle wuxuu dib u abaabulayaa ciidamada, isagoo dhiirrigelinaya dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Socdaalkiisu wuxuu siddaa fariimo muhiim ah, maadaama dhawaan isbeddel lagu sameeyay hoggaanka Wasaaradda Gaashaandhigga kaddib cabasho ay muujiyeen dowlado taageera Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa safarkan wuxuu doortay dhar ciidanka ah, baastooladna sinta ugu jirto, isagoo saaran diyaarad dagaal. Dhif iyo naadir ayay tahay in hoggaamiye qaran lagu arko isagoo hub sita, taasoo fariin adag u direysa shacabka iyo ciidanka.

Xilligan dagaalka, khubarada milatariga waxay sheegayaan in hoggaamiyuhu u baahan yahay inuu si toos ah u muujiyo doorkiisa hogaamineed, si looga mideeyo difaaca qaranka.

Maxaa la gudboon madaxweynaha?

Madaxweynaha wuxuu wajahaya xaalad ka duwan tii 2022 iyo 2023, waayo ciidamada dowladdu hadda waxay ku mashquulsan yihiin soo celinta dhul horey loo xoreeyay. Dowladdu waxay muujisay awood ay ku qabsan karto dhul cusub, balse haynta dhulka la xoreeyay ayaa weli caqabad ku ah.

Dhaqamada kaligii-talisnimada ah ee Madaxweynaha lasoo baxay, sida dardargelinta doorashooyin uu kaligiis wato, waxay keeneen kala qaybsanaan xagga siyaasadda ah. Qodobkaan wuxuu caqabad ku yahay mideynta shacabka iyo ciidanka.

Hadda oo uu joogo furimaha dagaalka, waxaa laga sugayaa inuu caddeeyo in siyaasadda meel la iska dhigay, lana dhiirrigeliyo ciidamada dagaalka hoggaaminaya. Waxaa kale oo muhiim ah in adeegyadii bulshada la gaarsiiyo deegaannada la xoreeyay si ay shacabka u dareemaan farqiga u dhexeeya maamulkii Al-Shabaab iyo dowladnimada.

Si kastaba ha ahaatee, in Madaxweyne Xasan Sheekh uu markale booqdo deegaanno uu laba sano kahor tagay iyagoo xor ah, haddana ciidanka dowladdu weerar ku yihiin, waxay muujinaysaa in weli uusan dagaalka argagixisada helin qorshe qaran oo joogto ah.

Su’aasha taagan ayaa ah: Madaxweynuhu ma sidii hore ayuu dib uga soo laaban doonaa furimaha dagaalka iyadoo hawluhu qabyo yihiin, mise wuxuu markan xaqiijin doonaa ciribtirka cadowga si xeelad qotodheer loo fahmo?