Muxuu ogaa madaxweyne MORSI inta uusan dhiman?

Qaahira (Caasimada Online) – Maxamed Morsi waa uu ogaa tan iyo maalintiisii kowaad in aan loo ogolaan doonin in uu muddo xileedkiisa madaxweynenimo dhameysto islamarkaana uu noloshiisa ku waayi doono in uu noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee dadka Masar ay si dimoqaraadi ah u soo doortaan awgeed, waxaa sidaas Middle East Eye u sheegay marwadii uu ka geeriyooday iyo wiil uu dhalay.

Wareysigii ugu horreeyay ee gaar ah ayey Naglaa Mahmoud iyo wiilkeeda Ahmed Morsi ku sheegeen in Morsi uu qoyskiisa uga digay 2012-13 in reer Galbedku aysan ogolaan doonin in Ikhwaanul Muslimiinku ay Masar maamulaan.

Morsi oo musharax u ahaa Ikhwaanul Muslimiinka ayaa ku guuleystay doorashadii ugu horreeysay ee si dimoqaraadi ah looga qabtay Masar sanadkii 2012-kii kadib markii talada laga tuuray Xusni Mubaarak. Laakiin awoodaha Masar gudaheeda ah iyo kuwada dibadda ah ayaa ka walaacsanaa Ikhwaanul Muslimiinka iyo siyaasadda Islaamka.

“Xitaa haddii mashruuc islaami ah la furo islamarkaana la horumariyo lagana dhigo mid u taagan nabad kuwada noolaansho, waa uu ogaa in wadamadda gobolku ay horumarkaas cuuryaaminayaan,” ayey tiri Naglaa Maxamuud.

“Waxaa uu sidoo kale oga in ama la dilayo ama xubnaha ka tirsan hey’adihii musuqa ahaa ee Mubarak ay isaga aqbali doonin. Mori waxaa uu ahaa daacad, waxaana uu rumeysnaa barnaamij islaami ah oo xor ah, dimoqaraadi ah iyo xukun rayid ah.”

Taas ka sokoow, Morsi, “waxaa uu isku dayay in uu tiriyo go’aanka dadka iyo hamigooda,” ayey hadalkeeda kusii dartay Naglaa.

“Anigu taasi in ay dhacayso ma fileyn, laakiin waxaan rumeysnaa in qiyaasta Madaxweynuhu ay mar kasra run tahay. si kastaba, diyaar ayaan ahaa.”

Axmed Morsi ayaa sheegay in qoyskiisa lagu qanciyay in aabihiis iyo walaalkiis ka weyn ay dishay Dowladda Cabdul fitaax Al-Sisi.

Morsi iyo boqolaal kale oo ka tirsanaa Ikhwanul Musmiinka ayaa la xiray markii talada laga tuuray. Morsi waxaa uu u dhintay wadne garaac iyadoo ay maxkamadeyntiisu socotay bishii June ee sanadkii 2019-kii. Khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in meeshii lagu hayay loo tiirin karo dil dowladi ka shaqaysay.

Axmed ayaa Middle East Eye u sheegay in aabihiis uu kusoo cel-celiyay in naftiisu ay khatar ku jirto intii maxkamadeyntiisu socotay, laakiin ma jirin cid u jawaabtay, xaaladiisa caafimadna waa ay kasii dartay.

“Dhab ahaan dhimashadiisu caadi mahayn, waxaan ku baaqnay baaritaan arrintaas lagu ogaanayo. Weli waxaan ku celineynaa in xaaladdu ay hufnaan u baahantahay iyo in runta la ogaado,” ayuu qoray Axmed.

Wiil iyo Aabihii

Cabdullahi Morsi oo ah da’da ka yar Axmed ayaa u ololeeyay in la sameeyo baaritaan calami ah ka hor inta uusan u joojin caqabado qalafsan oo qabsaday.

Axmed ayaa sheegay in walaalkiis oo isna u dhintay sabab aan la ogeyn uusan lahayn xaalad caafimaad darro ka hor dhimashadiisii.

“Ma uusan qabin xanuun daran. Ma ogin sababta rasmiga ah ee geeradda Cabdullahi, laakiin waxa aan ognahay in dhimashadiisa ay ahayd wax daahsoon, kadib markii uu ku dhintay gurigiisa hortiisa isagoo salaad kasoo laabtay,” ayuu yiri.

Axmed waxaa uu sidoo kale sheegay in laba qof oo aan la aqoon ay joogeen meesha uu Cabdullahi ku dhintay.

“Waxaa Meesha joogay nin iyo qof dumar ah oo uusan Cabdullahi aqoon. Waxay u qaadeen isbitaalka iyagoo dhigay goob laga shakiyay, ciidanka amniga ayaana sheegay in geerida Cabdullahi aysan caadi ahayn, ayna u baahantahay in la baaro.”

Xadidaad adg ayaa lasoo rogay markii la aasayay Morsi iyo wiilkiisa, waxaana la diiday dad badan ay aaska isigu yimaadaan. Labadoodaba waxa la aasay xilli habeen ah.