DF Soomaaliya oo dalka ka ceyrisay agaasimihi hay’ada CARE USA ee Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ceyrisay islamarkaana amartay inuu dalka isaga baxo agaasimihii hay’adda CARE USA ee dalka Iman Abdullahi, sida ku cad warqad lasoo saaray 18-kii bishan August.

Warqadda oo uu soo saaray wasiirka waxbarashada Cabdullahi Goodax Barre ayaa madaxa CARE Somalia ku eedeysay inuu iska indho tiray siyaasadda iyo xeerarka dowladda, sidoo kalena uu faro-geliyey arrimaha siyaasadda dalka.

Waxay sidoo kale ku eedeysay inuu “xiisado aan loo baahneyn” ka dhex abuuray dowladda fedearaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

“Waxaa intaas dheer intii aad ahayd agaasimaha CARE waxaad sameysay olole aad ku wiiqeyso horumarka qeybta waxbarashada adiga oo qas ka dhex abuuraya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dhigaggeeda, oo ay ku jiraan deeq bixiyayaasha iyo saaxibadeeda waxbarashada. Waxaad isku dayday inaad waxyeeleyso xiriirka ay dowladda la leedahay deeq bixiyayaasha iyo saaxiibadeeda,” ayuu yiri Goodax.

Goodax Barre ayaa intaas ku daray in agaasimaha CARE Somalia lagu wargeliyey eedeymahan ayada oo loo marinayo qoraal iyo kulan toos ah.

Hay’adda CARE USA ayaa sheegtay inay heshay warqadda kasoo baxday dowladda Soomaaliya, ayna ka shaqeyneyso sidii ay xal ula gaari lahayd dowladda Soomaaliya.

Iman Abdullahi ayaa noqonayaa mas’uulkii labaad oo ka socda hay’ad caalami oo laga ceyriyo Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa 2018-kii cayrisay wakiilkii ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsanaa Nicholas Haysom.