Sacuudiga oo la wareegay HOGGAANKA howl-gal saameynaya Soomaaliya

Riyadh (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudiga ayaa markii ugu horreysay la wareegtay hoggaanka taliska ciidamada la dagaalanka kooxaha burcadbadeeda Soomaalida, kuwaaas oo ka howl-gala dhammaan xeebaha dalka iyo meelaha ku dhow.

Sacuudiga ayaa hoggaanka howl-galkan oo magaciisa loo soo gaabiyo CTF-150 kala wareegay wadanka Faransiiska.

CTF-150 ayaa sameeya dabagal, kormeer iyo howl-gallo caadi ah oo looga hortagayo kooxaha burcadbadeeda, waxa loogu yeero argagixisada iyo badqabka maraakiibta.

Sidoo kale wuxuu howl-galkan uu heystaa maraakiib dagaal oo gaareysa illaa 15 markab oo dhammaan ku sugan biyaha Soomaaliya.

Ciidamada ka qeyb-qaata howl-galkan ayaa sidoo kale ah kuwa isku dhaf ah oo ka kala socda dhowr dalal, waxana hoggaankooda is-bedal lagu sameeyaa lixdii bilood hal mar

Waxa kale oo ka mid ah meelaha ay sida aadka ah uga howl-galaan ciidamadaasi iyo maraabkiibtooda Badda Cas, Gacanka Cadan, Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cumaan.

Howl-galka la dagaalanka burcadbadeeda ee loo yaqaano CTF-150 ayaa xeebaha Soomaaliya ka howl-galaya muddo 12 sano oo ka soo bilaabaneysa illaa 2008-dii.