Muxuu Prof. Afyare Cabdi ku tilmaamay shirka Afisyooni?

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha cusub ee machadaka darasaadka siyaasada ee HERITAGE Prof Afyare Cabdi Cilmi oo u warramay BBC-da ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan shirka dowladda & dowlad goboleedyada.

Prof Afyare ayaa shaaca ka qaaday in wax laga xumaado ay tahay in gacan saddexaad ay dhex-dhexaadiso madaxda Soomaaliyeed, si heshiis looga gaaro doorashooyinka.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dib u dhac weyn ay tahay in la’is aamini waayo, kadibna la’isugu tago xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

“Waa dib u dhac weyn in dib loogu laabto wadahadalka la gar-wadeynayo, runtii si tartiib-tartiib ah ayay Siyaasiyiinta Soomaalida toos dhexdooda u wadahadlayeen, balse maanta waxa ay ka fursan waayeen in la kala dhexgalo oo la kala aamin baxo, in Xalane la tago waa dib u dhac kale,” ayuu yiri Agaasimaha cusub ee machadaka HERITAGE.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay madaxda Soomaaliyeed inay ka dhabeeyaan wada-hadalladooda, islamarkaana ay xal waara ka gaaraan muranka ka taagan doorashada.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo maalmaha soo socda Teendhada Afisyooni uu ka dhacayo shirweyne ay garwadeen ka tahay beesha caalamka, una dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kaas oo looga hadlayo doorashada.