Xog: Howlgal la rabo in lagu qoro dhallinyaro oo Xamar ka dhaca xilliyada habeenkii

Muqdisho (Caasimada Online) – Degmooyin ka tirsan gobalka Banaadir ayaa habeenadii la soo dhaafay waxaa ka billowday howlgal ay sameynayaan ciidan ka tirsan kuwa ammaanka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ciidanka ayaa xiliyada habeenkii ah meel barxad ah isugu keena dhalinyarada qaar kadibna waxay weydiiyaan su’aal ah “yaa doonaya in uu kamid noqdo ciidanka qaranka, ama isagoo shaqadiisa iyo waxbarashadiisa wata nala shaqeynaya?” 

Ciidanka ayaa reebta ama xira dhallinyarada diida in ay la shaqeeyaan dowladda iyagoo weydiiya sababta kadibna ku sameeya baaritaan kale oo dheeri ah. 

Degmada Shibis oo kamid ah degmooyinkaas ayaa dhowrkii habeen ee la soo dhaafay waxaa su’aalahaas la weydiinayay dadka salaada ku tukada masaajida degmada, waxaana la xiray tobanaan qof oo dhalinyarada xaafada ah, kuwaas oo sheegay in aysan diyaar u aheyn la shaqeynta ciidanka iyo kamid noqoshada dowladda. 

Arrintaan ayaa loo arkaa qorsho cusub oo cabsi weyn ku abuuraya dhalinyarada xaafada maadaama ay wajahayaan cadaadis badan oo ay kala kulmayaan ciidanka amniga ee dowladda Soomaaliya. 

“Habeen kasta markii aan ka baxno masjidka oo aan Tukano Salaada Cishaha waxaa noo yimaada dhallinyaro bastoolado wata waxeyna noo sheegaan in aan kamid noqon doono ciidanka amniga tababar naloo qaadi doono, ama in aan la shaqeyno iyaga, qofkii maya dhaho waa la xiraa, haddii aad haa dhahdana waa halis kale,” ayuu yiri mid kamid ah dhallinyarada degmada Shibis oo la hadlay Caasimada Online.

Wali mas’uuliyiinta amniga ma faah faahin waxay ka ogyihiin arrintaan oo ay dhalinyaradu ka muujiyeen qeylo dhaan badan. Degmada Shibis waa halka ugu daran oo ay ka jiraan baaritaanadaan.

Qaar kamid ah dhalinyarada degmadaaa iyo degmooyin kale ayaa hada u xiran diidmo ay sameeyeen waxaana laga cabsi qabaa in uu sii socdo howlgalkaan.