MUXUU QABTAY BFS SANADKAAN?

Muqdisho (Caasimada Online)-Baarlaamaanka Soomaaliya ayaa shaley oo Talaado ahayd soo xirtay kulan kal fadhigii 4-aad tan iyo markii la unkay golahan oo ka koobam 275-xubnood.

Haddaba golahan oo la yagleelay sannadkii 2012-ka maxaa u qabsoomay kal fadhigga xilliigan?

Baarlamaanka Soomaaliya oo markii hore ku yimid hannaanka 4.5, ayaa la islahaa wuxuu ka wanaagsan kolkan kuwii horre, waxaana dad badan oo indho-indheeya arrimahan ayaa aaminsan in baarlamaanka hadda shaqeeya ay ku jiraan xubno aqoon yahano ah oo dalka iyo dadka difaaci kara.

Kal fadhigii afaraad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya oo la soo xiray Talaadadii
Kal fadhigii afaraad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya oo la soo xiray Talaadadii

Shaqada baarlamaanka labadii sanno ee la soo dhaafay waxay ahayd mid der-der ku socota, waxaana mahdiyay dad badan, balse sannadkan 2014-ka waxay noqdeen fadhiid oo waxbo ma u hirgalin sidda ay lee yihiin xeel-dheerayaasha siyaasadda.

Kulanka baarlamaanka ayaa maanta la soo xirayaa iyagoo muddo bil aan shaqeyn, waxaana dib u-dhac uu ku yimid sharciyaal la rabay in ay meel mariyaan sannadkan.

Baarlamaanka waxyaabaha u qabsoomay kalfadhiggan waxaa ka mid ah in ay meel mariyeen miisaaniyada 2014-k, ansixinta guddiga adeegga garsoorka, in ay joojiyeen warqada muwaadinimada, iyo in ay u yeereen safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya si ay su’aallo uga weydiiyaan xarig loo geestay mid ka mid ah diplomaasiyiinta safaarada iyo dhibaatada lagu hayo Soomaalida ku dhaqan Kenya gaar ahaan xaafadda Islii.

Waxaa kaloo ay ka doodeen qoddobo la aqriyay balse aan la dhaqan galin, balse sidda saxda waxay ahayd baarlamaanka in uu sannadkan qabto shaqo intaas ka badan oo ay ku jirto dejinta habka ay doorasho uga dhici karto dalka marka la gaaro 2016-ka, ansixinta sharciga waxa loo yaqaano argagixisada oo ka soo baxay golaha wasiirada, sameynta nidaamka axsaabta iyo kuwa kale oo badan.

Kalfadhiggan afaraad intii uu socday waxaa dhacay in labo jeer la soo weeraray dhismaha weyn ee golaha baarlamaanka, waxaana ka mid ah kii dhacay 25-kii bishii May kolkaas oo 18-qof oo u badan ciidaamda ammaanka ay ku dhinteen weerarkaas.

Sidoo kale, waxaa xildhibaannada baarlamaanka ay ku waayeen kal fadhigga maanta la soo xiray seddax mudane kuwaasoo ciddii dishay ilaa hadda aan la soo qaban.

Si kastaba, dad badan ayaa aaminsan in aysan dhici doonin doorasho xor ah labo sanno Kaddib, taasna waxaa sababta u ah gaabiska ku yimid shaqadii baarlamaanka, waana taas tan dad badan oo Soomaali ah iyo beesha caalamka ay dhowrayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com