Xildhibaanno iyo siyaasiyiin caan ah oo ku lug leh colaadda gobolka HIIRAAN

Baladweyne (Caasimada Online) – Xubno ka socda dowladda Soomaaliya ayaa rajo ka muujiyay in in la soo afjaro colaado maalmahan ka taagnaa deegan u dhow magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Xubnahan oo isugu jirra wasiiro iyo xildhibaanno ayaa kulamo la qaatay beesha Xawaadle oo ka mid ah labada beelood ee ku dagaallamay deeganka Deefow oo 40km dhinaca waqooyi kaga beefan Baladweyne.

Waxay sheegeen in dhinaca ay la kulmeen ay isla afgarteen sidii loo soo afjari lahaa dagaallada soo noqnoqday iyagoona xusay in dhinaca kale ay la kulmi doonaan isla markaana ay ku rajo weyn yihiin in ay la qaataan waan-waanta ay wadaan.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Bangax oo ka hadlay kulanka ay la qaateen beesha Xawaadle ayaa sheegay in ogyihiin dagaallada ka socda deeganka Deefow ay ku lug lee yihiin xildhibaanno iyo siyaasiyiin kala jooga Muqdisho, New York iyo London.

Wuxuuna ugu baaqay dhinacyadaas oo qaar aaney ka soo jeedin gobalka Hiiraan waligoodna aan wax u tarin in ay joojiyaan colaada ay ka hurinayaan labada maleeshiyo beeleed.

Dadka uu carab dhaway waxaa ka mid ah guddoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe kaasoo uu ku eedeeyay in uu marwalbo ka hadlo colaada ka aloosan deeganka Deefow.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn xusay in colaada ka aloosan beelaha Dir iyo Xawaadle ay soo taagneed muddo labo sanno oo xittaa gobalka Hiiraan ay yimadeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxammuud iyo ra’iisal wasaarihii hore ee Saacid balse ay ku guul-darreesteen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com