Xog: Xasan Sheekh oo ku ballan furay Muungaab, si uu ugu daneeyo abtigiis

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ballantii uu ka qaaday uga baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho General Muungaab, isaga oo u daneynaya abtigiis Sambalooshe.

Madaxweyne Xasan, ayaa horey u go’aamiyey in hay’adda nabad sugidda qaranka qeybteeda Xamar ay hoos tagi doonto Muungaab, si amniga gobolka wax looga qabto, hase yeeshee dib ayuu uga laabtay go’aankaas.

Ilo ku dhow madaxtooyada, ayaa Caasimada Online u sheegay in Xasan Sheekh uu go’aanka qaatay, kadib markii uu ka codsaday taliyaha cusub ee hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Cabdullahi Sambalooshe.

Sambalooshe, oo abti ugu aadan madaxweynaha, una dhashay beesha Xawaadle, ayaa u sheegay in haddii qeybta gobolka Banaadir ee haya’dda nabad sugidda la hoos geeyo Muungaab uusan wax dhaqaale ah ka sameyn karin, maadaama hay’adda ay ka shaqeyso kaliya Muqdisho.

Sambalooshe, waxa uu ku andacooday inuu ku fshilmay inuu wax dhaqaale ah ka helo safiirnimadii Britain, sidaa darteedna uu u baahan yahay inuu madax banaanaado markan.

Sida ay xogta Caasimada Onine leedahay, Xasan Sheekh ayaa Sambalooshe ugu niyad qaboojiyey in arrinta ah in hay’adda nabad sugidda gobolka Banaadir la hoos geenayo Muungaab ay tahay wax iska war ah, oo aysan jirin wax warqado ah oo la saxiixay, sidaa darteedna uu howshiisa wato.

Sababta ugu weyn ee Nabad sugidda gobolka Banaadir loo hoos geenayey Muungaab, ayaa ahayd in hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh amniga la mideeyo, si wax looga qabto xaaladda amni ee Muqdisho ee sii xumaaneysa.

Is-beddelka Xasan Sheekh, ayaa muujinaya inuusan wax dan ah ka lahayn Muqdisho iyo dalkaba, oo uu danaha shaqsiyeed ka hormarinayo tan qaranka.

Arrintan cusub weli looma sheegin Muungaab, waxaana Xasan iyo Sambalooshe ay ku heshiiyeen in howsha sideeda loo wado, juuqna aan loo oran Muungaab.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com