XOG CUSUB: SOCDAALKA CALI KHALIIF

Burtinle (Caasimada Online) – Sida an ku helayno wararka ka imaanaya degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya inuu halka ka furmayo shirweyne,waxaana gaaray wafti oo horkacayo Cali Khaliif Galayr oo xalay soo gaaray deegaannada Puntland.

Degmada Burtinle waxaa ku wada sugan yihiin siyaasiyiin ka soo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn iyo xubno kale oo deegaanada hoos taga degmada Burtinle.

Inkastoo aysan jirin wax warar ah oo arimahaas ku saabsan oo saxaafadda la siiyay, haddana waxaa la sheegayaa in shirarkan lagaga arrinsanayo colaado soo laablaabtay oo horay uga dhacay deegaanada Qorile iyo Caggaare sidii loo soo afjari lahaa, sidoo kalana waxaa la xusayaa suura galnimada in laga hadli karo khilaafyada siyaasadeed gobolada Sool iyo Cayn .

Xubnaha ka socda deegaanada Sool,Sanaag iyo Cayn waxaa horkacaya xildhibaan Cali Khaliif Galayr oo muddooyinkii danbe ku sugnaa gobolada Sool iyo Cayn deegaano ka tirsan.

Wararka aynu ka helayno dadka deegaanka ayaa tilmaamaya in shir maanta loo ball-sanaa uu u baaqday kaddib xubno shirka ka qayb gali lahaa oo ku geeriyooday shilkii gaari ee shalay galab ka dhacay halka loo yaqaan gooladda oo ku dhaw Garoowe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com