XAMAR waxaa goor dhow ka dhacay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleesiyaad ku hubeysnaa Bastoolado ayaa waxa ay goor dhow dil ka geysteen Xaafada Soona key Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Dilka ayaa waxaa loo geystay Askari ka tirsanaa militeriga Somalia, waxaana Dilkiisa si cad u fuliyay dhalinyaro iyagu kasoo raacay meel lagu qayilo, iyagoona dilka ka hor u yeeray markii ay hubsadeena Rasaas ku furay.

Goobjooge ayaa inoo xaqiijiyay in Kooxda Dilka geystay ay Sargaalka rasaasta uga dhufteen qeybaha kore ee jirkiisa, gaar ahaan Madax, wadnaha iyo Caloosha, waxaana lagu dhuftay illaa Todobo rasaas oo uu u geeriyooday.

Dilka kadib sidii caadaduba aheyd waxaa durbadiiba goobta gaaray Ciidamada Dowlada oo halkaasi ka sameeyay Howlgalo lagu qabqabtay dad badan.

Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee Degmada Hodan, ayaa ka gaabsaday inay faah-faahin ka bixiyaan Dilka Sargaalka waxa ayna sheegen inay dib uga hadli doonaan markii ay soo idlaato baaritaano lagu sameynaayo dadka la qabqabtay.

Dhanka kale, Dilka Sargaalkaani ayaa waxa uu noqonayaa dilkii Lixaad oo muddo Laba asbuuc ah ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, waxa uuna daba socdaa dilal maalmahaani ka kala dhaca Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com