Xasan Sh oo BF u sheegay waxyaabihi ku qornaa WARQADDII uu u diray QM

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa baarlamaanka u faah-faahiyay wax yaabaha ku qornaa warqad uu u qoray Qaramada Midoobay taasoo looga hadlaayay xadeynta badda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa caddeeyay in ay xaq u lee yihiin inay QM kala hadlaan arrimaha bada Soomaaliya waxaana uu xusay in waxbo aan laga badali doonin halkii uu ahaa xadka bada Soomaaliya.

Madaxweynaha wuxuu sheegay haddii aan Qaramada Midoobay loo qori lahayn warqadaas oo uu isaga saxiixay in ay halis ku jirtay dhirirka badda.

Xasan Sheekh Maxammuud madaxweynaha Soomaaliya ayaa xildhibaannada baarkamaanka u sheegay in dhirirka badda Soomaaliya uu yahay 350 nautical miles .

“Soomaaliya waxay leedahay badda ugu ballaaran qaarada Afrika, biyaha dalkeenna waxay ka badan yihiin baaxada dhulka Soomaaliyeed. Waxaanna nagu waajib ah Iilaalinta biyaha Soomaaliya. Xuquuqda ummad walabi waxaa lagu ilaashadaa sharuucdeeda iyo sharuucda caalamiga Soomaaliyana waxay xubin ka tahay dalalka saxiixay heshiska baddaha caalamiga. Isbuucii la soo dhaafay waxay Dowladda Soomaaliyeed diiwaangashatay 350 nautical miles oo ah biyaheenna xaqa aanu u leenahay’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa kaloo uu ka hadlay eedeen dhawaan ka soo baxday guddiga dabagalka cunaqabateenta hubka ee Soomaaliya iyo Eretria kuwaasoo ku eedeey xubno ka mid ah wasiiradii hore iyo isaga in ay lunsadeen lacago badan oo Soomaaliya u yaalla dibedda.

Madaxweynaha ayaa xusay in ay arrintaas ka jawaabeen isla markaana looga gun lee yahay warbixinta UN Monitoring mid lagu wax yeeleenaayo horrumarka Soomaaliya.

Hadalkan ayuu madaxweynaha Soomaaliya ka sheegay kulan uu maanta baarlamaanka Soomaaliya lahaa kaasoo lagu soo xiraayay fadhigiisa afaraad.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com