Muxuu R/W Rooble ka ballan qaaday odayaashii u tagay ee ka socday gobolka Gedo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Caqabadda ugu weyn ee xiligaan ay wajaheyso doorashada Soomaaliya oo meel dhexe mareysa ayaa noqotay doorashada 16-kursi oo taalla deegaan doorashada labaad ee dowlad goboleedka Jubbaland ee Garbahaarey.

Caqabadaan waxay salka ku heysaa maamulka gacanta ku haya magaaladaas oo aan hoos tegin Jubbaland oo xaq u leh inay maamusho doorashada 16-kaas kursi.

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee gobolka Gedo ayaa maalmo ka hor Muqdisho kula kulmay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble waxay kala hadleen arrimo khuseeya gobolkaas, oo ay ka mid yihiin abaaraha gobolkaasi halakeeyay, duqeymo dhanka cirka ah oo ay ku eedeeyeen dowladda Kenya iyo arrimaha doorashada.

Odayaasha ka yimid Gedo waxay si gaar ah kulankoodii Rooble diiradda ku saareen arrinta doorashada kuraasta taalla magaalada Garbahaarey ee uu ka taagan yahay khilaafka xooggan.

Nabadoon Cabdinaasir Maxamed Sheekh Faantooy oo kamid ah cuqaasha la kulantay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha ay kala hadleen iskuna afgarteen in doorashada lagu qabto magaalada Garbahaarey.

“Waxaan isku afgarannay in Garbahaarey lagu qabto doorashada, markaan ra’iisul wasaaraha ugu tagnayna waxa uu yiri waan qabanaynaa, wayna ka dhacaysaa Garbahaarey doorashadu,” ayuu yiri Nabadoon Cabdinaasir.

Nabadoonku waxa uu intaasi ku daray inay rajo wanaagsan ka qabaan in doorashada lagu qabto magaalada Garbahaarey, maadaama ra’iisul wasaaraha oo mas’uul ka ah doorashada uu u ballanqaaday in doorashada la qaban doono.

Ilaa hadda waxaa la isku raaci la’yahay hanaanka loo qabanayo doorashada Garbahaarey, Jubbaland saacado ka hor waxay shaacisay in laba todobaad hudahood lagu soo dooranayo kuraastaas, balse sooma bandhigin wax xal ah oo laga gaaray khilaafkii jiray ama goob kale oo loo wareejiyey doorashada kuraastaas.

Waxaa jira warar hoose oo sheegaya in Jubbaland ay qorsheynayso in doorashada kuraastaas ay ku qabato meel aan aheyn Garbaaharay, si gaar ah magaalada Ceelwaaq ayaa la sheegay in Jubbaland ay qorsheyneyso inay ka dhacdo doorashada kuraastaas.